Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Maxaa Loo Xiray Qunsulka Somaliya Ee Kenya, Maxayse Tahay Ujeedada Rafashada Odayaasha Mogdisho Ee..

Monday - April 28, 2014

Maalmahan dambe waxaa socday howlgallo raaf ah oo ciidamada Kenya ay ka sameynayeen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Howlgalka ayaa lala beegsaday dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada suuqyada Nairobi, dadka Soomaaliyeed ee la soo xirxiray waxay isugu jireen haween, caruur iyo dad da’ ah.

Qunsulka safaarada Somalia ee Kenya Siyaad Maxamuud Shire ayaa ka mid noqday dadkii la raafaayey ee garoonka Kasarani lagu xareeyey, xarigga  qunsulka kadib ayey dowladda Somalia oo markii hore si nuxur leh aan uga hadlin dhibaatada shacabka Soomaaliyeed loo geysaneyey ayaa halmar bilowday boolo-xoofteyn aan horey looga baran iyadoo Safiir Maxamed Cali America lagu wargeliyey inuu si deg deg ah Muqdishu ku yimaado.

Maxaa Loo Xiray Qunsulka Somalia Ee Kenya?

Ma jirto sabab lagu xiri karo qof diplomacy marka la eego xeerarka caalamiga ah ee Diplomaasiyadda dunida u degsan, Diplamaasiyiinta waxay haystaan xasaanad taasi oo ka dhigan inaan marnaba la xiri karin. Laakiin ciidamada Kenya oo aanan wax badan ka aqoonin sharciga caalamiga ah iyo kan maxaliga ah ayaa sabab macquul ah u heley inay xabsiga dhigaan qunsulka Somalia ee Kenya.

Warar xaqiiqo ah ayaa sheegeyo in Qunsulka ay wada socdeen xiliga la xirayey Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho Sayid Cali oo heystey baasaboor British ah, islamarkaasna baasaboorkiisa Fiisa dhacsan u saarnayd (Invalid visa).

Markii ciidamada Kenya ay rabeen in ay xiraan Sayid Cali (Mareeyihii Dekedda Muqdishu) ayaa waxaa si isbaaro ah isu hortaagay qunsulka Somalia, oo halkaas hadalo kulul isku dhaafsaday ciidamada Kenya iyo Siyaad Maxamud Shire (Qusulka Somalia), taasina waxay kaliftey in qunsulka lala taxaabo maareyihi hore dekada Xamar.

Ciidamada Kenya ayaa laga soo xirgtay “haddii aad tahay diplomacy Soomaaliya ka socda, maxaad ugu doodeysaa dambiile British ah?“.

Fiiro Gaar- Marka laga hadlaayo tarxiilka Kenya, dadka qaar waxay u dhigayaan sidii arrin aanan waligeed Soomaali lagu sameynin, horey waxaa Soomaalida laga soo tarxiili jiray Saudi Arabia,Kenya, south Afrika, Imaaraatka Carabta iyo meelo kale oo ila hadda socota. Miyaan la gaarin xiligii aan dhibkeena xal waara u heli lahayn oo dhulkeena nabadiisa ka shaqayn lahayn? dhinaca kale oodayaasha magalada Mogdisho carada ka haysa Kenya ee ku baaqaya in xiriirka laga goosto, ma laga yaaba deg dega nocaas ah iney go'a qiiq ku qarinayaan, oo rafshada colaadooda ay salka ku hayso halgankii xoreynta Kismaayo ee Kenyaanku arinkaa sidi uga beegneyd ka ciyaaray iyagoo weliba si wacan ugu gacan qabatay maamulkii halkaas ka dhismay