Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Suldaan Xasan Ee Dalka Burunay Oo Si Rasmi Ah U Amray In Lagu Dhaqmo Shareecada Islaamka

Thursday - May 1, 2014

Burunei-Waxaa maanta oo khamiis ah 1da bisha May si rasmi ah uga dhaqan galaya dalka Burunay (Brunei) shariicada Islaamka, waxaa sidaa ku dhawaaqay Suldaanka wadankaasi Xassanal Bolkiyah.

Suldaanka ayaa qoraal rasmi ah oo uu soo saaray shalay (Arbaco) ku yiri “ Wixii laga bilaabo 1da bisha May waxaa dhaqan galaya Shariicada Islaamka oo ah mid khasab ah inay ku dhaqmaan dadka Muslimiinta ah”

Shariicada Islaamka ayaa lagu waday in laga dhaqan geliyo dalkaasi Burunay 22kii bishii hore ee April, balse dib u dhac ayaa ku yimid iyadoo la hadal hayey in Suldaanka uu weli go’aan rasmi ah ka gaarin dhaqangelinta.

Suldaan Bolkiyah oo ah 67 sano jir ka mid ah shaqsiyaadka adduunka ugu qanisan ayaa sheegay in ay jiraan dad ka soo horjeeda Shariicada oo ku tilmaama wax laga tagay, balse wuxuu sheegay in Shariicadu ay tahay sharcigii illaahay (SWT), isla markaana ay tahay wax xaq ah in lagu dhaqmo, wuxuuna meesha ka saaray cambaareynta uga imaaneysa wadamada caalamka.