Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

John Kerry Oo Ka Baaqsaday Ku Tala Galkii La Kulankiisa Madaxweyne Xasan Shiikh

Friday - May 2, 2014

Adis ababa–Warar dublamaasiyadeed xog-ogaalna ah oo laga helay dhinaca Adis-ababa ayaa sheegaya in Kulan Qorsheysnaa inuu Adis ababa ku dhex maro Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka John Kerry la baajiyey ka dib markii Dowlada Mareykanku ay si cad u hor istaagtey kulankaas.

Sida warka sheegaayo Wakiilka Dowlada Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa shalay Madaxweyne Xasan ku wargaliyey in la baajiyey Kulankii uu Adis ababa kula kulmi lahaa John Kerry, iyadoo xiliga Madaxweyne Xasan la war galiyey uu joogay Villa Soomaaliya wuxuuna Madaxweynuhu isu diyaarinayay inta u safarka ku joogo Adis Ababa u halkaas kulmo kula qaato Wasiirka Arimaha Dibada USA John Kerry, Lama oga sababta ay Dowlada Mareykanku u baajisey kulankaan horey loo shaaciyey.

Dhinaca kalena Kulan looga arinsanayay Arimaha Soomaaliya ayaa Wasiirka Arimaha Dibada Mareykanka John Kerry uu arbacadii Adis ababa kula yeeshey Wasiirada Arimaha dibada Wadamada Itoobiya, Kenya iyo Uganda, hasa ahaate Kulankaana waa laga qadiyey inuu ka qayb qaato Wasiirkeena Arimaha Dibada ee Somaliya.

Tan iyo markuu xumaadey Xiriirka Villa Soomaaliya iyo Wadamada Dariska ayaa waxaad moodaa in hada ay siyaasadii Arimaha Dibada ee Dowlada Federaalku ay ceel ku sii dhaceysay, talaabada Mareykanku ay maanta qaadeena waxay muujineysaa in mugdi soo kala dhex galay labada dhinac.