Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Wafdi Ka Soo Jeeda Beelaha Hawiye Oo Beri Ka Dagi-doona Hargeysa Iyo Dareenka Ku Gaadaaman Safarkoda

Saturday - May 3, 2014

Xigasho Hargeysa(Qarannews)-Warar Shebakadda Qarannews ka helay ilo-diblomaasiyadeed, ayaa lagu sheegay Maalinta Beri ah inay Magaalada Hargeysa soo gaari doonaan wefdi isugu jira Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda Beelaha Hawiye, kuwaasoo ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho ee Magaalo-madaxda Koonfurta Soomaaliya. Ma jiro si cad daboolka uga qaaday ujeedada socdaalkooda oo dhinacooda kasoo baxay.

Hase-yeeshee, sida ku cad xogaha Shebakaddu heshay, waxa ujeedada booqashada kooxdan lagu xiriiriyey mid salka ku haysa arimo siyaasadeed oo waqti xaadirka Xukuumadaha Hargeysa iyo Muqdisho u arkeen inay Labadooda Maamul-ba dan u yihiin, waxaana wararku intaa ku dareen in arimaha sida gaarka ah u taalabanay Labada Maamul-ba ay kamid yihiin caddaadiska siyaasadeed ee labadooda-ba ka haysta dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee kaga imanaya Maamul-gobaleedyada ay madaxda ka yihiin siyaasiyiinta ku abtirsada Beelaha Daaroodka, sida Maamul-gobaleedka Koonfurta Soomaaliya ee ay ka mid yihiin Jubbaland iyo Puntland, oo iyagu muddooyinkan u dambeeyey loollan siyaaseed oo xaagan kula jiray Maamulka Muqdisho iyo taageerayaashiisa-ba.

Waxa kaloo, iluhu intaa ku dareen in caddaadiska siyaaseed ee Xukuumadda Xasan Sh Maxamuud dhinacyadda kaga imanaya ay ka mid yihiin ololaha ka socda Magaalada Kiiniya ee lagu raafayey Ganacsatada Soomaalida Meheradaha ku lahaa Xarunta dalka Kiiniya, taasoo sidoo kalena, lagu fasiray mid looga gol-leeyahay in xididad loogu siibo mid ka mid ah meelha dhaqaalaha ugu badani kasoo galo Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud.

Geesta kale, isbaahaysigan ayaa sida wararku xuseen waxa Maamulka Siilaanyo dhinaciisa isku qanciyey in tallaabadan waxa badan ka tari doonto culayska iyo caddaadiska Xukuumaddiisa ka haysta deegaanada Sool iyo Sanaag Bari.

Haddaba, wefdigan Maanta (Beri) ka imanaya dhinacaa iyo Muqdisho, waxa iluhu tibaaxeen in aanay jirin cid la xuso oo miisan siyaaseed ama mid dhaqan leh oo ay kalsooni ka haystaan, marka laga reebo Madaxweyne Xasan-ka Soomaaliya, oo sida ilo-diblomaasiyadeed Shebakadda Qarannews u sheegeen inay si toos ah uga soo ambabaxeen Xafiiska Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Villa Somalia, sidaa darted-na heshiis iyo dhawaaq kastoo kooxdaas kasoo baxaa aanu ahayn mid ka turjumaya siyaasada dhabta ah ee Xukuumadda Soomaaliya, xataa haddii ay sheegaan inay raali ka yihiin in Somaliland la siiyo Madaxbanaani.

Maaha markii ugu horeysay ee Maamul Muqdisho ka dhisan Soamlailand ula yimaado dhaqaaqyadan oo kale, hase-yeeshee waxa jiray tiraba dhawr jeer oo arintan oo kale la sameeyey, kadib markii caddaadisyo siyaaseed oo noocan oo kale ah lasoo derseen Xukuumadihii Ku-meel-gaarka ahaa ee Koonurta Soomaaliya soo maray, kuwaasoo aakhirkiina markii ujeedadii laga lahaa la gaaray aan dib loo arag meel ay jaan iyo cirib dhiggeen. Si kastaba ah ahaatee, waxa arimahani kala caddaan doonaan dhawrka Toddobaad ee soo socda marka qof walba Bishu hortiisa timaad.