Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

War Culus: Xasan Garguurte Waxuu Isla Dhacaba Qosol Iyo ilka Cadeynba, Waa Laga Daba Yimi

Monday - May 5, 2014

Mogdisho- In kabadan 120 dibutaati oo ka tirsan BF ayaa hadda shir uga socda Hotel Saxafi, kuwaaso sida la sheegay ka soo horjeeda siyaasada Madaxweyne ee waayahaanba si wiiqmeysay

Xildhibaanadan oo inta badan ay ka soo jeedaan beelaha hawiye ayaa sheegay in siyaasad-xumida uu Xasan Sheekh dalka ku hogaaminayo ay gaartay heer aan indhaha laga qarsan-karin, ayna ka arinsanayaan sida ugu wanaagsan ee ay uga jawaabayaan arintaas.

Qaar ka mid ah xildhibaanadan ayaa u sheegay saxaafada in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay ku fashilmeen arimaha gudaha gaar ahaan dhinaca ammaanka oo faraha ka si baxay iyo weliba dhinaca arimaha dibadda ayna tahay in uu bulshada soo maaliyeed ka hor wareego.

Saxaafada ayaa banaanka ka joogta kulankaas, oo loo diiday in ay goob joog ka ahaadaan, waxaase lagu wargeliyay in marka uu soo idlaado warmurtiyeedka kulanka loo akhrin doono.

Kulanka xildhibaanadan ayaa yimid iyadoo maalintii shalay ahayd ay soo baxeen warar sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Xasan Sheekh iyo madaxda dalka Ethiopia, iyadoo horay uu aad u xumaa xiriirka Kenya iyo Kooxda Xasan Sheekh la shaqeysa.