Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Madaxweyne Xasan Oo La Af-Booday : Xildhibaanow Bac-Bacda Maqashiya Wixii Aan Idin Aqoon

Wednesday - May 7, 2014

Mogdisho- Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdigi u hogaaminaayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada xamar isagoo ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee mogdisho, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuullin magac leh u ka mid yahay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir General Muungaab, sido kale waxaa soo dhaweyntaa ka soo qayb galay guutooyin dadweyne aan yareyn oo ka kal yimid degmooyinka Xamar

Madaxweynaha oo lagu soo dhaweeyey qolka VIP-da garoonka ayuu si kooban uga warbixiyey socdaalkiisi u ku kala bixiyey itoobiya iyo dalka isutaga imaaraadka Carabta oo sheegay inu doc kasta safarkiisi guul ku soo dhamaaday, hasa ahaate inta u joogay magaalada Abu-dabi hadal hayn ayaa lagu sheegay inu jawaab ku Af-celiyey xildhibaanada dhiiraday ee is hayn-waayey, kuna baaqay mooshinka is-casilaadisa ayuu ka yiri: warkooda ah kana siib kana saar ma aha in majare qaldamay lagu saxayo, balse waa sheeko mashruuc iyo shuqulkii khmaar-walaha oo lagu doonaayo dano gaara iyo in lagu biyo batalaq-sado, waxaana wanaagsan ayuu yiri inta aan la boodin in la iska hubsado halka aad ku dhici-doonto.

Dhinaca kale wararka xuuraanka ka iimaanaya magaalada mogdisho ayaa tilmaamaya in bulshada xaafadaha magaaladaas gaar ahaan reer bakeyle iyo reer Ciyow kuwa u dhashay oo aan la garaneyn difaaciisa dheefta ay ka helayaan illa laba cisho faq,yol-yool gacan taag fooda la iskula jiray oo halkaas si kulul la isku bas-baaseynaayey si loo hirgaliyo abaabul guulwadeysan oo looga hortago go'aankii xildhibaanada ee xambaarsana is-casilaada madaweyne xasan shiikh, waxaana qam-qaamadaas qiirada dan adeega ah si xoogan u wada gudoomiyaha gobolka General Muungaab iyo horyaalada kaaliyaashiisa degmooyinka mogdisho ee dhawaanta tol ahaanta lagu meeleeyey