Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Xildhibaano Mucaarad Ku Ah Madaxweyne Xasan Oo Galabta U Gudbiyey Codsigi Is-Casilaadiisa

Thursday - May 8, 2014

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa duhurnimadii maanta la kulmay 41 Xildhibaan oo sida la sheegay wakiil ka ah Xildhibaanadii Isniintii u soo jeediyay Madaxweynaha inuu shaqada isaga tago kadib markii lagu caajisay Siyaasaddiisa.

Kulankan oo ka dhacay waabka xarunta Madaxtooyada ee Soomaaliya ayaa 41 Xildhibaan waxay Madaxweynaha u gudbiyeen warqad dhambaal ay ku liisgareysan-yihiin 130 Xildhibaan ku codsanayaan inuu is casilo, warqadaas oo lagu faahfaahiyay dhamaan waxyaabaha lagu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.
Sida la xusay Markii uu kulanka Xildhibaanada iyo Madaxweynaha furmay waxaa u hadlay Xildhibaanada Labo iyaga ka mida oo kala ah Cumar Finish iyo Xildhibaan lagu magacabo Ruush, waxaana la sheegay in madaxweyne Xasan dhageystay soo jeedinta Xildhibaanada isla markaana ka gudoomay warqadii ay soo qoreen isagoo markaaba goobta shirka ka jeediyey hadal kooban oo u ku yiri: Anigo waxaan ahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaa la igu soo doortay si sharci ah, waxaa i doortay Baarlamaanka waxaana xilka iga qaadi kara Baarlamaanka.

Dhinaca kale isla xildhibaanadaas la qaatay shirka madaxweyne Xasan shiikh ayaa isla galabta la balansan Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Inkastoo aanay Xildhibaanada wali gudbin wax mooshin ah, hadana waxaa muuqata in xaalada bilow tahay, maadaama ay qoraalo u kala gudbiyeen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa todobo maalmood gudahood Baarlamaanka eryi doonaan Wasiiradda Arrimaha gudaha,Amniga iyo Garsoorka iyadoo kadibna loo gudbi-doono mooshinka xilka tuurista Madaxweynaha Somalia Xasan Maxamud Calasow oo ka qaadistiisa xilka ay u baahantahay iney ka codeyaan sadex meelood meel.