Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Urur Goboleedka IGAD Oo Xafiis Ka Furaneysa Magalada Kismaayo Ee Xarunta Jubaland

Monday - May 12, 2014

Kismaayo: Wararka ka iimaanaya dhinaca kismaayo ayaa sheegaya in Urur Goboleedka lagu magacaabo IGAD ay dhawaan xafiis ka furan-doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland, iyada oo uu halkaasi gaaray wafti uu hogaaminayo Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Madaxweyne ku xigeenka Jubba Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xafiiska IGAD ee Kismaayo laga furi-doono uu maamulka Jubba ka caawin doono arimo badan oo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamadda iyo waliba gaar ahaan dhinaca amniga.

IGAD ayaa horey ugu qayb qaadatayg hawlihii waan-waanta nabadgalyo ee gobolka, kuwaasi oo natiijooyin wanaagsan laga gaaray.