Kenya Oo ka Furaneysa Xafiis Diplomasi Somaliland Iyo Jubaland Iyo Dawlada Somaliya Oo Ka Carootay
Tuesday - May 13, 2014
Xigasho Geeska Afrika- Dawladda Somaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga carootay goaanka ay dawladda Kenya ku gaartay inay xafiis diblomaasiyadeed ka furato caasimada somaliland- Hargeysa. Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa cadadkiisii Isniintii shalay baahiyay in sababta ay dawladda Somaliya ugu yeeratay safiirkeedii Kenya joogay Mr. Maxamed Cali Nuur, oo markii hore loo fasirtay inay la xiriiro xarig loo gaystay diblomaasi safaaradooda ka tirsan, ay hadda cadaatay in sababta loogu yeeray ahayd caro ay dawladda Somaliya ka qaaday laba xafiis oo ay dawladda Kenya ka furanayso maamulka Somalialnd ee Hargeysa iyo magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland ee Somaliya, iyadoon waxba lagala socodsiin.
Wargeyska The Star, wuxuu xusay inay dawladda Somaliya, gaar ahaan raysalwasaarahooda Cabdiweli Sheekh Axmed uu dawladda Kenya u qoray dhambaal uu kaga dalbanayay in la tixgeliyo. Laakiin wargeysku muu raacin wax jawaab ah oo ay dawladda Kenya ka bixisay, balse wuxuu tilmaamay in jariiradu isku dayday inay la xidhiidho wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed, si wax looga weydiiyo xafiiska ay Kenya ka furanayso Hargeysa, taasina aanay suurtogelin, waxaanu tilmaamay inuu sidoo kale xiriiro la sameeyay saraakiil kale, kuwaas oo iyaguna ka gaabsaday inay ka hadlaan, xaasaasiyada ay arrintani leedahay darteed.
Toddobaadkii hore, wuxuu wargeysku xusay in safiirka Somaliya u qaabilsan Kenya Maxamed Cali Nuur, uu golaha wasiirada Somaliya uga xog waramay xiriirka liita ee Somaliya iyo Kenya. Waraysi kale uu safiirka Somaliya siiyay warbaahinta Christian Science Monitor, ayaa wuxuu ku baaqay inay ciidamad Kenya ka baxaan Somaliya, Ma jiro xiriir saaxiibtinimo oo ka dhexeeya labada wadan, mana arko sabab ay ciidamadu u sii joogaan wadan iyagoo huwan magaca nabad ilaaliyayaal. Ayuu yiri Safiirka Somaliya ee Kenya qaabilsani, oo ku hadlaya luuqad diblomaasiyadeed.
Wargeyska Geeska Afrika ayaa bishii hore ee April baahiyay inay dawladda Somaliya waddo olole diblomaasiyadeed oo ay ku qaadayso wadamo ay u aragto inay xiriir la leeyihiin amaba la samaysanayaan Somaliland. Geeska Afrika, oo soo xiganayay xogo diblomaasiyadeed, wuxuu wakhtigaas sheegay inay dawladda Somaliya si gaar ah u bartilaameedsanayso dawladda Kenya.