Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Maxkamad Mareykan Oo Xukun Ku Riday Haweyney Taageerta Al-Shabaab

Thursday - May 15, 2014

Maxkamada magaalada Minneapolis ayaa shalay xukun ku riday haweenay Soomaali ah oo gacansiisay dhalinyaro Maraykanka ka tagay oo ku biiray kooxda Al Shabaab.

Saynab Xuseen oo ah 24 sano jir degenaansho ku leh magaalada Nashville ee gobalka Tennesee, ayaa qiratay inay been ka sheegtay taageeradii ay u fidisay dhalinyaro ka tagay Maraykanka oo ku biiray kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Saynab ayaa lagu xukumay Sadex sano oo xabsi (Banaan Joog ah) kadib markii ay qiratay danbigeeda, isla markaana codsatay cafis.

Xaakimka Maxkamada Minneapolis Michel Davis ayaa haweenaydan Soomaalida ah ku xukumay inay todobaad walba samayso shaqo lagu caawinayo jaaliyada iyadoo ka qeyb qaadanaysa wacyi gelinta khatarta ay Argagaxisadu leeyihiin.