Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Madaxweynaha oo si daayey Jeneral xabsi daaim Ku Xukunaa

Saturday - May 17, 2014

Taliyihi hore ee ciidamada asluubta Jeneral Cabdi Maxamed Ismaciil ayaa dhamaadkii sanadkii 2012 ka baxsaday dalka, markii lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa Al-Shabaab, isla markaana dalka ka galay khiyaamo qaran, sidaas oo ay tahayna Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo doon dooneysay ninkan waxay 8-dii bishii December ee sanadkii 2012 ku xukutay xabsi daa’in, isla markaana darajadii ciidanimo ee Jeneraal laga xayuubiyo.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow oo xilligaas xukunka riday ayaa isagoo ka hadlayay eedeymaha loo soo jeediyay waxaa uu sheegay khiyaamo qaran, inuu sii daayay rag maxbuus ahaa oo ka tirsana Al-Shabaab iyo inuu xiriir lahaaba, waxaana Hey’adaha Ammaanka wixii markaas ka dambeeyay ay guda galeen baadigoobka ninkaas sidii gacanta loogu so dhigi lahaa.

Bilooyin kadib ayaa Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Cabdi Maxamed Ismaaciil oo dalka si qarsoodi ah u soo galay waxay ciidamada ammaanka ka qabteen xaafad ka tirsan degmada Wadajir, iyadoo loo gudbiyay xabsi.

Laakiin waxaa layaab aheyd markii la sii daayay in la arkay isagoo xiran darajadiisa iyo dareyskii ciidanka Asluubta, taasoo aan aheyn mid meel isla gasha ama sharciga waafaqsan ruux dambi khiyaamo qaran lagu eedeeyay inuu dib uga mid noqdo ciidanka ama shaqo qaran uu qabto.

Ninkan ayaa durbaba ka soo muuqday warbaahinta, isagoo darajadii ciidanimada ee laga xayuubiyay xirnaa, waxaana uu sheegay in dadaal badan oo ay galeen dad badan oo uu ka mid yahay ugaaska beeshiisa lagu sii daayay, kadib cafis Madaxweyne.

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu sharciga iyo dastuurka ku xadgudbay, kadib markii uu sii daayay, nin dambiile ah, isagoo cadeeyay sababaha taas ka dambeysay inay aheyd in kursigiisa ku bad baadsado.

“Xildhibaanada beesha ninka xiran ee Taliyaha horay u ahaa ayaa u tagay Madaxweynaha oo ku yiri noo sii dey, mooshinka kaa khafiifineyna mar hadii dambiile xiran xabsi ku jira in kursigiisa oo qatar ku jira loo deynayo, cid kasta marka waxay Xasan kala gor gortameysa cida ka xiran, inlee sharci lama ilaalinaye”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Xasan Dhuxulow oo ahaa Xildhibaan hore ayaa sheegay in Madaxweynaha uu jebiyay balan-qaadkiisa hore, isla markaana aanu awood u laheyn in ruux dambi qaran galay la sii daayo, taasna ay tahay mid nasiib daro ah.

Si kastaba ha ahaatee tani ayaa noqoneysa mid ka mid ah tusaalaha loo qaadanayo in balan-qaadyada Madaxda ay sameeyaan inay kaliya afka ku egtahay oo aan loo fulin sidii loogu tala galay oo ficil ah.