Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Shaqaalaha Safaarada Mareykanka Ee Nairobi Oo La Dhimayo

Sunday - May 18, 2014

Nairobi- Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa walaac ka muujisay falalka amni darro ee maal-mihii la soo dhaafay ka dhacayay qaybo ka mid ah dalkaasi, iyadoo safaaraddu ay dalbatay ciidamo dheeri ah oo amnigeeda ilaaliya.

War-murtiyeed ka soo baxay xafiiska safiirka  ayaa lagu sheegay in safaaraddu ay u sii shaqayn doonto si caadi ah ,waxaana uu meesha ka saaray warar ay qaar kamid ah saxaafadda Kenya baahisay oo ahayd in gabi ahaanba la xiri doono safaaradda.

“Dawladdaydu waxay u mahad-celinaysaa Kenya oo ka jawaabtay dalabkiini ahaa in wax laga qabto arimaha amniga oo caqabad wayn ku ahayd danaheeda halkan iyo waliba muwaadiniin badan,“ ayaa lagu yiri war ka soo baxay safiirka.

“Nasiib wanaag waxa noo sahlanaatay inaan helno macluumaad la xiriira hanjabaadaha kooxaha argagaxisda ah ,kuwaasi oo khatar ku ahaa amniga Kenya iyo tan bulshada caalamka“ayuu mar kale yiri Mr Godec oo in badan ka hadlay walaaca dowladdiisa ay ka qabto arimaha amniga.