Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Dawlada Ingiriiska Iyo Sweden Oo Casuntay Wasiiro Ka Tirsan Maamulka Jubaland

Monday - May 19, 2014

London– Sida laga soo xigtay ilo lagu kalsoonyahay, waxaa dhawaan Wafdi balaaran oo ka socda dhinaca maamulka Jubaland darajo heer wasiiro ah ay u safri doona Dalalka UK iyo Sweden horaanta Bisha June waxaana xogtaas bixiyey si xaqiijinteeda wasiirka wasaarada Xiriirka Caalamka ee Jubaland.

Sida u sheegay wasiirka xiriirka caalamiga, Safarka waxuu ku salaysan-yahay marti qaad ay Dowlada Jubaland ka heshay midawga reer Yurub- EU. waxayna socdaalka wafdiga ay ku hormari-doonaan caasimada ingiriska ee London iyagoo maalmo kadibna u si gudbidoona magaalada stocholm ee dalka Sweden.
Tani Waa markii u horeysey ee Dowlada Jubaland ay helaan marti qaad noocaan ah oo ka yimaada Wadamada EU.