Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Qaadka Oo Si Rasmi Ah Looga Mamnuucay Dalka Ingiriiska

Tuesday - May 20, 2014

London - xigasho Harowo – Guriga Odayaasha ee dalka ingiriiska (The House Of Lords) ayaa ansixiyey qaraar sharci oo hore ay golaha baarlamaanka ingiriisku usoo ansixiyeen usbuucii hore kaasi oo sharci darro ka dhigaaya in geedka qaadka la keeno, laga ganacsado ama lagu cuno dalka Britain.

Fadhiga aqalka odayaasha Britain oo ay shallay ka soo xaadireen 337 Mudane ayaa 216 Mudane ogolaadeen in geedka jaadka ama qaadka loo aqoonsado daroogadda darajada (C) oo qofka lagu qabto isagoo iibinaya, ka ganacsanaya, ama cunaya uu mudan karo xadhig iyo ganaax lacageed, halka 125 Mudane ay diideen sharcigani.

Dedaalka la doonaayey in lagaga mamnuuco Britain geedkani dishooday boqolaal kun oo qof oo Soomaaliyeed ayaa waxaa door weyn ka cayaaray koox la baxday (Kooxda la dagaalanka qaadka), kuwaasi oo muddo dheer dedaal ugu soo jiray in Britain laga mamnuuco geedka qaadka ah, waxaana baaqoodaasi ayiday oo aqbalay xoghayaha arrimaha gudaha ee dalka ingiriiska haweenayda lagu magacaabo Theresa May, oo iyadu sannadkii hore si bareer ah u sheegtay in dawladda wadaaga ah ee ay ka tirsantahay ka joojinayso Britain geedkaasi qaadka ah.

Mrs. May ayaa baal martay isla markaana ganafka ku dhufatay warbixin tallo ah oo guddida kala talisa dawladda ingiriiska dhinaca daroogadda iyo maandooriyahu ay hore ugu soo jeediyeen inaanu qaadku caafimaad darro weyn sababin.

Mrs May oo la hadlaysay telefishanka SKY maanta ayaa sheegtay inay tallaabadani ku bad baadinayaan  qayb ka mid ah bulshada Britain oo muddo badan u nuglaaday geedkani qaadka isla markaana uu noloshoodii la degay, waxay sheegtay Mrs May, in marka la is bar bar dhigo waxyeeladda qaadka iyo faa’iidada ka soo gallaysay Britain, ay waxyeeladiisu ka badnayd.

Bulshada qaadku dishooday ee dalkani Britain ku dhaqan oo u badan soomaalida ayaa tallaabadani naxdin iyo anfariir ay ku noqotay, iyadoo kooxaha qaad qamaxa oo qaarkood la sheego in habeenka iyo maalintu iskugu mid noqdeen ay ku doodayaan in geedka qaadku uu ka hor joogay inay ku kacaan falal kale sida cabida khamrada iyo weliba maandooriyayaal ka xun geedka qaadka.

Halka bulshada Soomaalida badankeed gaar ahaana haweenku ay si weyn usoo dhaweeyeen go’aankani ay Britain kaga mamnuucday dalkeeda geedka qaadka, geedka qaadka ayey bulshada haweenka ee Soomaalidu badiba dhib ku qabeen, iyadoo qoys burbur baaxadleh oo aan cadad iyo qiyaas lahayni uu sabab u ahaa geedkaasi qaadku.

Maalinta La Mamnuucay Qaadka Oo La Asteeyey

Ka dib markii guriga odayaashu maanta ansixiyeen qaraarkani sharci ee lagaga mamnuucay Britain geedka qaadka, ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ee Britain faafisay in maalinta 1 July ee sannadkani 2014 ay noqon doonto maalinta uu hirgallayo sharcigaasi lagu mamnuucay geedka qaadku.