Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Scandal-kii Labadi Dhinac Ee Maamulka Baydhabo Oo Markaan Ku Soo Dhacay Heshiis Maamul Sadex Gobol

Tuesday - May 20, 2014

NairobiĀ– Warar Dublamaasiyadeed oo Howl-wadeenada miiska wararka Puntlandi ay heleen ayaan ka xiganay in Raysal wasaare Cabdiwali Shiikh iyo Nickolos Kay ay loobigoodi siyaasadeed guul iyo is afgarad ka gaareen khilaafkii labadi dhinac ee isku hayey maamulka gobolka koonfur galbeed ee waayahaanba murankiisa tagnaa

Labada maamul ee looga dhawaaqay Baydhabo oo ahaa kuwo si maandhaafa isu-diidan kuna kala saleysnaa Maamul Goboleed ka kooban Lix Gobol oo uu hogaaminayay Mudane Madoobe Nuunow iyo Maamul Goboleed ka kooban Sadex Gobol oo uu hogaaminayo Mudane Maxamed Cabdi Nuur Madeer ayaa hada lagu guuleystey in isfahan iyo qabuul Siyaasadeed la dhex dhigo,.oo is maqiiqi khashiinimo, bootadi iyo is-baaradi laga gudbay

Sida ay Puntlandi Xogta ku heleen waxaa lagu heshiiyey in la soo dhiso Maamul ka kooban Sadexda Gobol Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose iyadoo ay Dowlada Federaalka gaar ahaan Xafiiska Raysal Wasaaruhu ay garwadeen ka noqonayaan dhismaha Maamul Goboleedka Sadexda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dhinacna IGAD iyo Beesha Caalamka ayaa fududeynaya dhismaha Maamul Goboleedkaan.