Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Hargeysa: Siyaasi A.Xaabsade Oo Ka Qoomameeyey Qaybti U Ka Qaatay In Sool Ku Soo Noqoto S/Land

Thursday - May 22, 2014

Hargeysa-Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, oo ku magacaaban la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo axsaabta siyaasadda, horena u ahaa wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta, ayaa si adag uga hadlay xaaladda gobalka Sool iyo sida aanay xukuumadda Somailand siyaasiyiinta Dhulbahanate uga tallo gelin arrimaha ka taagan.

Mr. Xaabsade, wuxuu tilmaamay inuu qoomamaynayo qaybtii uu ka qaatay in gobalka Sool ku soo noqdo gacanta Somaliland, waxaanu sheegay inaan lagu ixtiraamin guushaas uu soo hooyay oo aan wax tallo ah la weydiin, isagoo sidoo kale cadeeyay in guud ahaan madaxda Beesha Dhulbahante ugu jirta dawladda Somaliland aan iyagana waxba laga weydiin gobalkooda .. Xaabsade wuxuu arrimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay weriye Maxamed Sagax oo ka tirsan Wargeyska Haatuf ee xayiran, kaas oo cabashadaas u soo gudbiyay Wargeyska Geeska Afrika,