War Weyn:General Saacid Oo Loo Aqoonsaday Halyey Lagu Gaban-karo Kadib Markii La Ogaaday Inu bad....
Monday - May 26, 2014
Mogdisho- Warar laga soo xigtay Xildhibaanadii ka badbaaday weerarkii ay Alshabaab ku qaaday xarunta baarlamaanka maalintidii sabtidii ayaa la sheegay iney si gaara uga mahadceliyeen ciidamada booliska iyo taliya-hooda kaalintii ay ka ciyaareen fashilinta weerarkii lagu soo qaaday xildhibaanada.
Qaar ka mid ah xildhibaanadan oo qiiro farx awgeed ilmadi indhahooda ku soo joogsatay ayaa warbaahinta la hadlay oo sheegay in indhahooda ay saareen taliyaha ciidamada booliska oo shakhsi ahaantiisa si toos ah uga qaybqaadanayey dagaalkii lala galay kooxihii weerarka soo qaaday taasoo keentay inay badbaadaan mudanayaasha baarlamaanka oo weerar lagu soo qaaday xilli uu socday kalfadhi rasmi ah oo ay ku lahaayeen xarunta golaha shacbiga.
Taliyaha ciidamada booliska General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) oo ku sugnaa xarunta ciidamada booliska oo ku dhaggan xarunta golaha shacbiga markii uu weerarku bilowday ayaa isaga iyo ciidamo ka tirsan boolisku orod iyo durduro iyo si xikmad taatikeysan uga soo boodeen darbiga iyagoo isla markiiba si toosa u abaaray gudaha galayna xarunta golaha shacabka oo si kelyo adeyg iyo dagaal rageed bareer ah ay bidix, midig, kor iyo hoos u adeegsadeen dab rasaas wax guba oo sidii onkod iyo hilaac u dhaceysa si ay u soo badbaadiyaan xildhibaanada halkaas ku sawaxmaayey kuna godoonsanaa hoolka shirka ee gudaha aqalka baarlamaanka, waxaana xusid mudan in inti isagu waa jeneraalkee uga si horeysay goobta baqdin awgeed la waayey cid gudaha gasha, laakiin isagu si nafti horanimo ah iyo bismilaahi eebow isla marku soo istaagayba gudaha madax-madax isgu tuuray oo halkaas kolba dhinac kaga imaasho ku toogtay dhamaan kooxihi gaar ahaan inti gudaha ku jirtay ee weerarka soo qaaday, waxuuna jeneraalku ugu dambeyn ku guuleystay isaga iyo kooxdiisi la socotay iney fashiliyaan ujeedooyinki duufaanta cadawga oo halkaas kala kulmay jab iyo hoog aan yareyn, soona badbaadiyeen dhamaan xildhibaanadi ku sugnaa xaruntoodi
Mudanayaasha ayaa sheegay inay yaabeen reen-rayn iyo bogaadin u ahayd marki ugu horeysay ee ay arkeen taliyihii ciidamada booliska oo dagaalka ku jira kana qayb-qaadanaya hawlgalka taasoo keentay inay ku ammaanaan hawsha uu qabtay maadaama aysan ahayn wax horay uga dhici jiray Soomaaliya.
Taliyaha oo ay warbaahintu la xiriirtay ayaa ka gaabsaday ka hadalka arrinkaas isagoo ku gaabsaday inaan wax laga soo qaadin balse ay tahay waajibaadkiisa ka saaran qaranka oo uu gudanayay.
Waa markii ugu horreysay oo ay Soomaaliya ka dhacdo, dhacdadan oo kale iyadoo aan horay loo arki jirin taliyayaasha ciidamada oo dhacdadaan oo kale ka garab dagaallama ciidankooda.
Weerarka lagu soo qaaday aqalka baarlamaanka ayaa waxaa sheegatay kooxda Alshabaab oo horay Soomaaliya uga fulisay weeraro argagixiso oo intooda badan lagu dilay dad shacab ah.