Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Muran Siyaasadeed Oo Soo Kala Dhex Galay Xasan Shiikh Iyo R/W C/Weli Shiikh

Wednesday - May 28, 2014

Mogadisho- Xigasho Newsomali- Khilaaf salka ku haayo isku shaandheynta Golaha wasiirada, soo xulida shaqsiyaad jago Wasiir loo magacabi lahaa ayaa lagu soo waramayaa inuu soo kala dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Cabdi Wali Sheekh Ahmed.
Raíisal Wasaare C/weli iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa lagu soo waramayaa inuu ka biyo diiday soo jeedin uu Ra’iisal wasaaraha soo jeediyay, iney xilalkooda waayaan 6 wasiir oo qaar kamid ah Madaxweynaha si aad ah isugu dhowyihiin.

Inkastoo wararkan ay yihiin kuwo horu dhac ah ayaa hadana durba waxaa la dareemayaa is mari waagan ka dhex bilowday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ah kii u horeeyay ee si dhab ah u dhex maro.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arrintan laga yaabo inay soo fara geliso beesha Caalamka, si xal loogu helo.
Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii uu is casilay Wasiirkii Amniga C/kariin Xuseen Guuleed waxaa soo baxayay isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirada.

Waxaa jirta in Labada Mas’uul aysan heshiis wanaagsan ka dhaxeynin tan iyo markii C/weli Sh Ahmed loo magacabay jagada Raíisal Wasaaraha ilaa iyo mudadaas xiriirkooda ma wanaagsanayn.

Warar kale ayaa sheegaya in Labada Masúul ay isku haystan Jagada Wasiirka amniga qaranka cida loo magacabi lahaa taas oo Madaxweynaha faragelin ku haayo.

Khilaafka soo kala dhex gala Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweynaha, maahan wax hada ku cusub siyaasada Soomaaliya, waxaana badana soo faragaliya Dowldaha daneeya siyaasada Somalia.