Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Maamulka Jubaland Oo Sheegay Iney Soo Furteen Dad Ay Af Duubteen Al- Shabaab

Saturday - May 31, 2014

Ganacsato Qaadooleyaal tiradooda gaareyso 30 qof oo isugu jira dumar iyo rag ayaa shaley wadada waxa u galay Alshabaab, iyadoo la sheegayo in 3 gaari oo caasi ah iyo jaadkii ku rarnaa ay Shabaabka halkaas ku gubeen. Maamulka Jubba ayaa sheegay inay soo furteen qaadooleyaashii u gacan galay Xarakada Al-shabaab.

Jaadleeyda (Qaadooleyaal) oo watay 3 baabuur oo caasi ah isla markaasina Qaad ka soo qaaday deegaan lagu magacaabo Fuuma ayaa kuna sii jeeday magaalada Kismaayo ayey si lama filaan ah ugu dhaceen shabaqa Al-Shabaab, Fuuma waxaa jaadka keena doomo dheereeya oo ka yimaado magaalada Raaskambooni.

Taliyaha ciidamadda Jubba Jeneraal Saxardiid oo saxaafada la hadlay ayaa sheegey in hawlgal balaaran ay ku soo furteen qaadooleyaasha reer Kismaayo ee Shabaabka gacantooda galay.

Deegaanka Fuuma wuxuu u jiraa magaalada Kismaayo ku dhowaad 13 KM galbeedka Kismaayo, waxaa gasha wado jaay-cadde ah o buuro iyo duur isugu jirta, waa deegaan aysan ku sugneyn  wax ciidamo ah.

Marka laga soo tago sheegashada maamulka Jubba , Warar madax banaan oo laga helaayo dadka Jubbooyinka ayaa xaqiijinayo in Xarakada Alshabaab ay si iskeeda ah u sii deysay qaadooleyaasha iyadoo wax dagaal ah uusan dhicin ka gadaal markii ay gubeen gawaaridii iyo gaadiidii ku rarnaa intaba.