Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Qarax Ka Dhacay Hargeysa Iyo Sarkaal Ka Tirsan Xafiiska Xeer-iLaaliyaha Oo Ku Dhaawacmay

Sunday - June 1, 2014

Hargeysa-Sarkaal ka tirsan Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay Agagaarka Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha.

Sarkaalka ka tirsan Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay  magaciisa Maxamed Dheere, qaraxa ayaa haleelay isagoo gaadhigiisa wata isla markaana ku soo socday dhinaca Xafiiska.

Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Dayrka Maktabada masaaridda iyo wasaaradda Cadaaladda oo dhinaca barri kaga beegan Qasriga Madaxtooyadda

illaa hada lama hayo cida qaraxaas fulisay, hase yeeshee waxa gariirkiisa laga dareemay magaaladda Hargeysa.