Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Darawal Horay Uga Tirsanaa Hay'ada Samafalka Care Oo U Sharaxan In Loo Mgacaabo Wasiirka Amniga Q.

Wednesday - June 4, 2014

Mogadisho-Madaxii hore ee Sirdoonka Gobolka Banaadir isla markaana mar ka sii horeysa ahaa wado Baabuur hay’adda Care Khaliif Ahmed Ereg ayaa la sheegaya in loo badinayo in laga dhigo Wasiirka amniga Soomaaliya sida ay ku soo waramayan ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Madaxda sare ee dalka ayaa maalmahaan ku mashquulsan ciddii bedeli lahayd ninkii horey isaga casilay Jagada Wasiirka amniga qaranka C/kariin Guuleed kaas oo is casilaadiisa dhacday 24 kii bishii hore markii dablay shabaab ka tirsan weerar qorsheysan ku qaadeen xarunta Baarlamaanka.

Haddii ay dhacdo Magacabista Wasiirka amniga Qaranka Khaliif Ahmed Ereg madaxii hore ee Sirdoonka Gobolka Banaadir waxay taasi qeyb ka tahay fashilka Siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo garan weysan inuu soo magacabo qof aqoon durugsan u leh arrimaha amaanka iyo Sirdoonka.

Mr Ereg ayaa Madaxa Sirdoonka Banaadir u magacabay Madaxweyne Sheekh Shariif laakiin intii uu xilka haayay waxaa lagu tilmaamayay nin howsha uu haayo ka soo bixi waayay taas oo keentay in jagadaas laga qaado.
Shalay ayay ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh ku-xigeenka Madaxa Sirdoonka Banaadir u magacabay C/fatax Shaaweeye kaas oo isna wax aqoon ah u lahayn arrimaha sirdoonka iyo amaanka.

Shabaabka oo Sirdoon-kooda ka sareeyo kuwa Dowladda iyo Amisom waxaa hubaal ah in ay sii laba laabi doonaan hawlgalkooda marka ay arkaan shaqsiyaad daciif ah oo madax looga dhigay amaanka dalka.