Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Eedeynta Xoosh Iyo Xuunshadi Tiri:Waxaan Wax Ku Garta Marka Dhagax i Dhaafo, Midna Agteyda ku......

Thursday - June 5, 2014

Mogadisho-Waxaa hadlay Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan Baarlamanka Somalia waxuuna sheegay in xildhibaanadii jaalka kula ahaa dalbka is-casilaada madaxweyne Xasan Shiikh haatan lacago lagu kala furfuray.

Xildhibaan Xoosh oo ka mid ah xildhibaanada weli diidan madaxweynaha ayaa intaa ku daray in lacago ka soo baxay xafiiska madaxweynaha la siiyey qaar ka mid ahaa xildhibaanadaas taasoo buu yiri keentay iney kala jabaan

C/raxmaan Xoosh ayaa hadalkiisi intaa si raaciyey oo yiri “Dalkan sida lala socdo waa faqri, meel uu faqri yaalana musuqmaasuq lagama waayo, xildhibaanada qaarkoodna meesha uma imaanin iney ka taliyaan masiirka umadda Soomaliyed ee waxay kuraasta ugu fadhiyaan iney shaqeystaan, kuna gorgortamaan siyaasada iyagoo hadba taageeraya dhinaca uu shilinka ka jiro, sidaa awgeed waa kala jabeen xildhibaanadii baaqa u diray madaweynaha ka dib markii qaarkood lagu iibsaday lacago xafiiska madaxweynaha laga bixiyey”

Dhinaca kale Oday la socda khamaarka iyo ibtilada siyaasadeed ee ka jirta mogdisho oo ka faalooday warka eedeynta C/raxmaan Xoosh ayaa yiri: Markaan ahay aqoon kaligeed iska turuqan, balse aan ku sidkaneyn aqoonta iyo noocyada camalka bani'aadamka hareeraha iga taagan iyo siyaasada munaafaqada ee dhagax la arkaayo guudka timir xashan iyo malab loogu dhoobay si aan loo dareemin, hadaanan garan waxba ma ahi oo aqoonteyda waxay noqoneysa mid habow ah, waana khasab iney inkaaro igu qarxeyso .. C/Raxmaan Xoosh guuxa iyo warmaha kulul ka baxaya iyo gaar ahaan sidu uga aradanyahay amase garan-waayey aragtida xildhibaanada xaab-qaadku keenay oo ka tiro iyo sadex jeer ku xila-furay heshiis mooshineed oo hadana looga baxay, taaso lagu micneyn-karo sidi warkii xuunshadu tiri: Waxaan wax ku garta ama fahma "marka dhagax i dhaafo, midna agteeyda ku dhaco, midna igu habsado ee aan ku ganac Go'o.  .. Looyar Xooshow is qabooji oo mergi-yada iyo muruq-yadda adag ha is goyn ayuu warkiisi kooban kula taliyey.