Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Shabakada Waagacusub Oo Xaajo Filan-waa Iyo Futo Qaawan Ka Feyday Marada
Friday - June 6, 2014
Waagacusub.info- Taliyaha hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Bashiir Maxamed Jamaac (Bashiir Goobe), ayaa ku lug leh qorshe xilka looga qaadayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Caasimada Online, ayaa heshay warqad Bashiir Goobe uu u qoray koox aan la garaneyn oo sida muuqata ku lug leh in Xasan meesha ka baxo. Kooxdan waxaa loo badinayaa inay yihiin qeybo ka mid ah beesha caalamka.
Waxaa warqadda ku xusan olole dhinacyo badan ah oo Xasan Sheekh ka dhan oo dalka ka socda, waxaana muuqata in Xasan xilkiisa halis weyn ku jiro. Waxaa warqadda ku xusan in koox la yiraahdo PN Group uu la shiray Goobe, lamina yaqaan cidda ay yihiin.
Ka sokow warqaddan, waxaa jira dareen guud oo ah in beesha caalamka ay dooneyso in Xasan meesha ka baxo, waxaana warqaddan cusub ay tahay mid xoojineysaa dareenkaas.
Warqadda ayaa waxaa ku qoran erayo marka aad aqriso aad u calool xumaaneyso Xasan Sheekh, sababta oo ah sida dad uu aaminay ay lug gooyo uga daba wadaan
Warqadda ayaa u qorneyd sidan:-
Jaalleyaal qaali ah
Waxaan jeclahay inaan akhbaar kooban idinka siiyo xaaladda dalka, gaar ahaan tan siyaasadda iyo ammaanka, oo isu beddelaya si ka xawaare badan, sidii aan marki hore moodnay. Waxaaybo badan ayaa suurta galay maalmihii dhowaa, islamarkaana sidii aan isku afgaranay kullankii ugu dambeeyey, Kooxda PN ayaa ka dhabeeyey ballanqaadkoodii, waxaana idiin xaqiijin karaa saameynta ay taasi yeelatay inay ka wanaagsaneyd sidii aan rajeeneynay. Kooxdeena baarlamanka aan ku dhex leenahay ayaa dhisya shabakad xirfadlayaal ah oo baarlamanka ku dhex jiray una badan xubnihii horey ugu jiray baarlamankii KMG ahaa, waxaana natiijadaas ay gilgishay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaan 9-kii bisha May 2014 guddoomiyey shir heer sare ah, waxaana isku xiray wad-xaajoodyo miro dhalay, waxaana billowday kullamo, waxyar un kdib markii aan dalka kusoo laabtay 15-kii May 2014. Waxaan goaan ku gaarnay inaan billowno olole cusub oo ka dhan ah Damujadiid, oo dhinacyo badan ah, si aynu u mideyno dadaalkeena. General Daahir Adam Cilmi (Taliyaha ciidanka Xoogga) iyo ninka sida aadka ah ugu dhow ee Cabdullahi Macallin Nuur (Taliyaha Saadka), si buuxda ayay wax inoola wadaan, hase yeeshee sida aan kullanka ku xhseegay, kalsooni buuxda kuma qabo taliyaha booliiska.
Madaxweyen Xasan Sheekh waxa uu lumiyey dhammaan taageeradii uu ka haystay xildhibaaanadii, wasiiradii iyo sidoo kale tii shacabka, waxaana hadda loo baahan yahay kaliya hal olole oo howsha lagu dhameeyo, oo kama dambeys ah. Wasiirada, Xildhibaanada iyo qeybaha amniga dhammaantood waxaa ay wada qirsan yihiin in-isbeddel ku yimaada hoggaanka dalka uu yahay lama huraan.
Soo Jeediin
Haddii uu sii jiro hoggaanka iminka, dalkan waxa uma hagaagi doonaan marka ay timaado amni, horumar iyo xasillooni bulsho iyo mid siyaasadeed. Hayadaha amniga waxa ay sameeyeen wax walba oo ay kaga hortagaan Al-Shabaab una badbaadiyaan shacabka, hase yeeshee waxba lama sameyn karo inta uu maamulkan jiro. Mr. Maxamuud waxa uu hayadaha amniga ku eedeeyey inaysan ka hortagin weerarada argagixisada ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, hase yeeshee ma garowsana inaan guul la gaari karin inta uu isaga hoggaanka hayo.
Khilaafka u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo raiisul wasaarihiisa waa uu sii ballaaranayaa, taasi oo nasii dhiiri gelineysa, xildhibaanada waxa ay diyaarinayaan qorshe cusub oo wax ku ool ah oo xilka looga qaadayo madaxweynaha, wayna sii wadi doonaan inta maamulka Damujadiid uu ka dhaco. Sidaad og tihiin kadib bilo dadaal aan daal lahayn oo ka dhan ahaa Cabdi Kariim Xaseen Guuleed waxaa lagu qasbay inuu iska casilo wasaaradda amniga, waxaana xusid mudan inuu ahaa mufakar ay Damujadiid ku dhintaan.
Waxaynu u adeegsan fursaddan inaynu beddelno hoggaaanka dalka.
Maj. General Bashiir Maxamed Jaamac
Taliyaha Cidanka HNSQ
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story