Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Wiilkii Atam Ee Ajar Iyo Jihaad Birta U Afeystay Oo Isa Soo Dhiibay .. Puntland Ma Nabadbaa

Saturday - June 7, 2014

Mogadisho; war maanta laga xigtay TV-ga Mogdisho ee afka dawlada Fedaraalka ku hadla ayaa shaaca ka qaaday in Maxamed Saciid Atam oo ahaa hogaamiyihii Al-shabaabka Buuraha Galgala uu isu soo dhiibey Dowlada Federaalka, lamana xusin xiliga iyo waqtiga u isa soo dhiibay, laakiin dad dhiniciisa ka hadlay ayaa sheegay in wadahadalada Atam iyo shakhsiyaad ka socda dawlada ay in mudaba socdeen .. Atam ayaa si gaara u xusay in Axmed Godane iyo dugaaga ag jooga aysan daacad ahayn munaafaqadiisana la arkay oo u weli fuushanyahay faraskii indha la' ee kolba buur iyo banaan jaanta rogan u eryaya, isla markaana u si gaar ula haysto u adeega shiisheeye daneynaaya in bulshada somali ka bixi weydo dhagar iyo dhiig .. Godane waa abris aan wax dhawreyn iyo abeeso ayuu yiri

Atam oo ahaa hogaamiyaha Al-shabaabka ka dagaalama Buuraha Galgala ee Puntland ayaa mar la wareysanaayey afka ku dhuftay in horay C/ramaan Faroole gar la galay u maamulkiisi diiday nabad in la wada qaato, mana sheegin ujeeda ka dambeysay diidmada faroole, laakiin maqal iyo golayaasha fadhi ku dirirka ayaa hadal hayntoodu ahayd in c/raxmaan faroole sababta u diidana heshiiska ay la xariirtay arimo luqmatul- xajarkii dhaqaale la liqi-jiray ee ka soo gali jiray dhinaca hawlgalka argagixiso u istaago

Shiikh Atam oo hadda cadeystay inu ka baxay xumaha, waxuu ku eedeysnaa inuu ka dambeeyey falal Argagoxiso oo siyaabo kala duwan uga dhacay Puntland kuwasoo boqolaal ruux ku nafwaayeen.