Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Beelaha Habargidir Iyo Biyomaal Kuwa U Dhashay Oo Weli Dagaal Fooda Is Daraya Iyo Dawlada Oo Shib Ah

Sunday - June 8, 2014

Mogdisho-Marka- Dagaaladii shalay oo dhan sida xiriirka ah uga socday gobolka Shabeelada Hoose ayaa tiro dhowr goor ah lagu kala qabsaday Tuulada Ceel-wareegow iyo deegaanada u dhaw, ayadoo sidoo kale lagu kala qabsaday gadiid dagaal.

Dhamaan tuulooyinkii lagu dagaalamay ayaa la gubay oo baabay,  oo halkaas shacabki deganaa ay noqdeen kuwa ka barakacay deegaanadaasi.

Xalay maqribikii ayaa warar soo baxay ay sheegayaan in ciidamadii deegaanka oo galabnimidii ka baxay Tuulada Ceel-wareegow ay dib ugu soo rugaal celiyeen oo qabsadeen,

Sida la xusay Gurmadyo xoogan oo u scoda ciidamada Indhacade ayaa saaka ka yimid magaalooyinka Muqdisho iyo Qoryooleey, waxaana lagayaabaa in dagaalada maanta markale ay sii socdaan.

Khasaaraha Dagaalkii shalay ayaa lagu sheegay 54 dhimasho iyo dhawaac isugu jira oo labada dhinac ah.

Majiraan ilaa iyo hada cid si toos ah usoo faragalisay oo kala dhexgashay dhinacyadii ku dagaalamay gobolka Shabeelada Hoose.