Maleshiyaad H/gidir Oo La Wareegtay Xudunti Marka Iyo Salaadiinti Biyomaal Oo Weer Cad Goostay
Monday - June 9, 2014
Mogadisho-Marka- Sida la cadeeyey Magaalada Marka waxaa si buuxda ula wareegay maleeshiyaadkii beesha H/gidir kadib dagaal saaka halkaas ka dhacay kaas oo u dhaxeeyay beelaha Biimaal iyo H/gidir oo sanadkan iyo kii hore 2013-ka isku haystay gacan ku haynta degaanada sh/hoose iyo gaar ahaan magalada xarunta ee Marka.
Xilligii salaadii subax ayaa dagaalka waxaa uu ka soo bilawday banaanka magaalada Marka hase yeeshe markii dambe waxaa la isla soo galay gudaha magaalada halkaas oo markii dambe lagu kala baxay oo gacanta sareysa ay yeesheen maleeshiyadi habargidir, waxaana la xusay in Guddoomiyihii Degmada Marka oo ka soo jeeday beesha Biimaal uu u galay Ciidamada AMISOM ee jooga duleedka Ceel Jaale.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Marka soo galay ay la wareegeen amaanka magaalada oo ay ilaalinayaan inta badan xaafadaha degmada iyo meelaha halbawlaha ah,hasa-ahaate dhinaca biyomaalka dhexdiisa ayaa la sheegaya in waawareyda iyo qaylo-dhaani ka socoto taasoo lagu abaabulaayo dagaal rogaal-celin ah
Dagaalka waxaa si huruyey kadib markii la sheegay in odayaal culus oo ka tirsan beesha habargidir qaab beeleed u dileen maleeshiyo beeleed, kuwaaso ay ka mid ahaayan Xuseen Jiis,C/llaahi Ganleey iyo Cusmaan Dahir Afweyne.
Dagaalka ayaa ku soo noqnoqday Gobolka Shabeellaha Hoose iyadoo Maleeshiyaadka labada dhinaca sabab u yihiin amaan xumada Gobolka ka jirta.