Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Magalada Istraatiijiga Mosul Ee Dalka Ciraaq Oo Gashay Gacanta Xoogag Kacdoon

Tuesday - June 10, 2014

Ciraq- Kadib dagaal kharaar oo socday dhawr maalmood ayaa  ay maanta xoogaga kacdoonka ka wada dalkaasi la wareegeen gabi ahaanba gacanku hayntii magaalada istiraatijiaga ah  Mosul

Magaalada Mosul hada laga bilaabo kuma jirto gacanta xukuumada ciraaq, laakiin waxaa ka arimaya xoogag mucaarid ah oo hubaysan sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan wasaarada arimaha gudaha ee dalkaasi ciraaq.

Mosul waa magaaladii labaad ee gasha gacanta kacdoon wadayaasha sannadkan gudihiisa, waxaana xalay fiidkii ayaa boqolaal ka mid ah jabhada kacdoonka wada oo hubaysani u daateen xafiisyadii dawlada kadib dagaal socday afar maalmood.

Duqa degmada Mosul Mr. Atheel Nujafi ayaa ka mid ahaa dadkii ay ku guulaysteen in ay xafiiska ugu soo galaan, laakiin waxaa u suurto gashay  in uu ka baxsado, intii ay socotay tacshiiradii rasaasta ee ay booliisku isku difaacayeen.

Jabhadu waxay ku hubaysnaayeen sawaariikh, gantaalo ,qoryo fudud iyo waliba hub culus oo gawaadhi ku rakiban.