Biyomaal Oo Dhagaha Ka Fureystay Gogol La Dhigo illa Inta H/gidir Gaardi Ku Dhexe-Sameyneyso Marka
Wednesday - June 11, 2014
Mogadisho-Wafdigi Xukuumada Muqdsho ayaa saakay diyaarad ka qaatay magaalada Muqdisho, waxaayna ku degeen saldhig ku yaal Ceel jaalle oo ay ku suganyihiin ciidamo AMISOM
Diyaarada oo ahayd nooca qumaatiga u kacda ee Qaramada midoobey ayaa wafdiga markii ay tageen Ceel jaalle waxay codsadeen in ay la kulmaan gudoomiyaha degmada Marka iyo waxgaradka beesha Biimaal, hasa yeeshe Gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow ayaa diiday in uu la kulmo wafdigaas, waxaana u sheegay in Beesha Biimaal ay goaan cad ka qaadatay arinta gobolka oo aysan galeyn wax wada hadal ah, salaan gaara amase gogol illa inta ay ka baxayaan maleeshiyada habargidir degaanka sh/hoose
Ma jirin wax xildhibaano ama odayaal ka socda beelaha Direed oo la socday wafdiga xukuumada Xasan Culusow oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha gudaha iyo gaashaandhiga Cabdullahi Godax Bare iyo Maxamed Sh.Xaamud.
Wafdiga ayaa sidoo kale ku soo noqday Muqdisho iyagoo adeegsanaya diyaarad, mana jiro wax kulan ah oo ay la yeesheen dhinacii kale.