Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Dhismaha Xubnaha Golaha Barlamaanka Maamulka Jubaland Oo Heer Gabo-gabo Ah Maraya

Saturday - June 14, 2014

Kismayo- Magaalada Kismaayo oo Xarun caasimadeed u ah maamulka Jubbaland waxaa waqti xaadirka ka socda qorshayaal lugu dhameystirayo xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka maamulka Jubbaland,sidaasna waxaa sheegay xubin ka mid ah guddiga arrinta u xilsaaran, waxuu kalo masuulkaas Warbahinta u carbaabay qorshaha lagu dhisayo baarlamaanka Jubba inuu marayo heer gabo-gabo ah, isagoo intaa si raaciyey in xubnaha baarlamaanka ka mid noqonaya shaaca laga qaadi-doono bilowga bisha nagu soo aadan ee July.

Dhinaca kale dhismaha maamulka Jubbaland waxaa door ku leh oo kala qeyb-qaadaneysa fududeyntiisa urur gobolledka IGAD,waxaana warar an heleyno ay sheegay xubno ka mid ah ururka inay magaalada Addis Ababa kula shireen raysul wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay kala hadleen sidii ay dowladdu ugu qeyb-qaadan lahayd fududeynta dhismaha maamulka Jubbaland.

IGAD iyo raysul wasaare,Cabdiweli waxaa ay isla gerteen in shir arrinta looga hadlayo uu ka dhaco magaalada Muqdisho kaddib magaalada Kismaayo la’isagu tago si loo dhameystiro baarlamaanka Jubba.

Raysul wasaare,Cabdiweli oo isago xilli hore booqdey Kismaayo waxaa uu u ballan-qaadey maamulka Jubbaland inay kala shaqeyn doonan dhammaanba arrimaha horyaalla oo ay ka mid tahay dhismaha baarlamaanka Jubba.
Muddo ka badan sannad oo u dhisan-yahay maamulka Jubbaland, ma jirin wax baarlamaan ah balse waxaa shaqeynayey madaxweynaha,ku-xigeenadisa oo labo ah iyo golaha wasiirrada.