Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Al-Shabaab Oo Falal Argagax Ka Geystay Jasiirad Dalxiis Ku Taal Cariga Kenya

Monday - June 16, 2014

Nairobi- Kooxda la aamisanyahay iney xiriir laleeyihiin shabaabka Somalia ka dagalama ayaa weeraray hotelo iyo saldhigyo ku yala magala xeebeedka Mpeketoni oo ay ku sugnaayeen booliska dalka Kenya, waxaana warkaas laga xigtay saraakiil ka tirsan dowlada Kenya.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya iney arkeen dhismooyin holcaya oo ay gubeen kooxihii weerarka soo qaday iyo dhawaqa rasaas gudaha Mpeketoni ka dhaceesay oo udhow jaziirada Lamu .

Wargeyska the stander ayaa  lagu qoray bogiisa in ugu yaraan 48-ruux ay weerarkaassi ku dhinteen.

Afhayeenka ciidamada milatariga dalka Kenya Emmanuel Chirchir ayaa yiri rag hubeysan ayaa soogalay xarun aad umashquul badan oo dadku ay usoo dukaameesi tagaan kadib kooxdu waxay bilaabeen toogashada dadkii halkaasi ku sugnaa.

Hamaton Mwaliko oo ka tirsan saraakiisha booliska  Kenya ayaa wakalada wararka ee reuters u sheegay raga hubeysnaa waxay soo weerareen saldhiga kadibna halkaasi waxaa ku dhaxmaray dagaal iayaga iyo ciidamada.

Mpeketoni waxay 40 km ujirtaa jaziirada Lamu weerarkana layaab malaha oo dhowr mar oo horre ayey weeraro ka dhaceen Kenya.

Kenya ayaa wajaheesay tiro weeraro uga imaanaya dhanka shababka Somalia tan iyo markii ciidamadeyda gudaha ay usoo galeen Somalia sanadkii 2011.