Macmacaanka Reerba Waa Mare..Digil Iyo Mirif Oo La Siinaayo W.Amniga Iyo H/gidir Oo Weli Xilkaa..
Tuesday - June 17, 2014
Mogdisho- Warar is daba jooga oo soo bax-baxaya ayaa sheegaya in R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed in uu markaan ka soo horjeedo in mar kale Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya loo magacaabo nin kasoo jeeda Beesha Hawiye .. Wasaarada Amniga waxaa horey u hayay iskana casilay nin kasoo jeeda Beesha hawiye- Habargidir, waxaase hada socda dadaalo ay wadaan Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Hawiye ee ku doonayaan in Wasaaradaasi uusan marnaba gacantooda ka baxin.
ilo ku dhaw-dhaw Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa laga wariyey xaqiijinta in uu doonayo R/Wasaaraha in Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya uu u magacaabo nin kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle gaar ahaan sii haya xilkaasi General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Magacaabista Wasiirka Amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa dib u dhacday , waxa uuna R/Wasaaraha Soomaaliya doonayaa in uu isku shaandheyn kooban ku sameeyo Golaha Wasiirada uuna xilka Wasaarada Amniga ka wareejiyo Beesha Hawiye sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan Xafiiska R/Wasaaraha.
Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Hawiye-habargidir ayaa iyagu diidan in aan xilkaasi laga wareejin, waxa ayna R/Wasaaraha u sheegeen in aysan ku qanci doonin xilkasto uu u magacaabo hadii uu ka wareejiyo Wasaarada Amniga ay horey u heesteen.
Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo kasoo jeeda Beesha Hawiye-Habar Gidir ayaa iska casilay Xilka Wasaarada Amniga Qaranka kadib markii lagu soo eedeeyey inu ku fashilmay wax ka qabashada amaanka Caasimada ee Muqdisho.