Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Madaxweyne Xasan Iyo Ujeeddo Dan Xod-Xodasho Oo Xalay Villa Wardhigley Kula Kulmay Xildhibaano Gaara

Wednesday - June 18, 2014

Mogadisho- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay kulan casho sharaf ah waxa uu Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ugu sameeyay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Siyaasad ahaan Madaxweynaha taageersan. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cisaan Jawaari , Xuldhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo kulanka lagu casuumay.

Qaar kamid ah Xildhibaanada kulanka goob jooga u ahaa Siyaasad ahaana taageersanaa Madxaweynaha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in Dowlada horey u socoto meeshana laga saaro waxyaabaha dib u dhaca keeni kara.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah wax loo qabto lagana shaqeeyo nabad galyada dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada ee u baahanyihiin shacabka Soomaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa amaan usoo jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay in ay u heelanyihiin wax u qabashada qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna ugu baaqay Xildhibaanada in ay joojiyaan waxayaabaha dib u dhaca u keeni kara qaranka Soomaaliyeed.

Kulanka Madaxtooyada Soomaaliya Xalay Madaxweynaha kula yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa imaanaya xili uu yaraaday cadaadiskii uu Madaxweynaha kala kulmay Xildhibaano dhaawn ugu baaqay in uu is casilo kuwaa oo la sheegay in intooda badan laka la fur furay ayna taageereen Madaxweynaha.