Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Markay Bixi-weydey Beenti .. Berri Oo La Soo afjaraayo Khilaafki Konfur Galbeed

Sunday - June 22, 2014

Mogadisho- Sida la sheegay Beri oo ah maalin isniin kuna aadan 23/06/2014 ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ku saxiixaan ama ay kusoo afjaraan Kala Aragti Duwanaashihii Maamulkii Koonfur Galbeed ee 6 iyo 3 gobol kuwaasoo dhexdooda mudaba faraqa is heystey .

Kulan lagu soo afjarayey Fikir kala duwanaasha-haana ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka wadey mudooyinkaanba Ra'iisul wasaaraha dowlada Soomaaliya C/weli Sheekh kaasoo lagu dhex dhexaadinayey Maamulka dhabarkooda isku soo jeedey ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

isku soo wada duub heshiiskaan oo beri muhiim ah, waxaa goob joog ka noqon-doona dowladaha deriska iyo madax kala duwan, waxaana lagu wadaa inuu berito Muqdisho ka dhaco kadibna marka la saxiixo dib loogu laaban doono Baydhabo oo xaflado halkaas ka dhici-doonaan, walow aan la ogeyn talaabada ay qaadi- doonaan shacabka reer Baydhabo ee fikirka ku kla duwanaa maadaama heshiiskuna beri qodobadiisa sida la xusay qaar ay dhigayaan inaan wax shido ah aysan dib dambe u dhicin oo loo hogaansamo heshiiska dhacay.

Wasiirada ay ka mid yihiin GEESEY & SHIINO oo hadda halbolaha u ah heshiiska dhacay waxay ahaayeen laf- dhabarkii kacdoonkii ka dhan ahaa Shariif Hassan & Mamaulka Koonfur Galbeed ee 3 Gobol waa dadkii ka dhex-muuqdey Goobaha Goomaha baabuurta lagu gubi jirey waxay ahaayeen dadkii Mudaaharaadyada hor kici jirey, haddana is badalay oo ku soo aruuray fikirka 3 Gobol