Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Odayaasha Hawiye Oo Booli-xoofto Iyo Ba'ayeey Isla Taagay .. Dagaal La Mida Kii Jubaland

Tuesday - June 24, 2014

Mogadisho- Odayaasha Beesha hawiye qaar ka mida ayaa Kulna Shalay ka Dhacay magaalada Muqdisho waxay Si weyn uga hor yimadeen Go’ankii ay dowlada faderalka Ku aqoonsatay mamaulka sadexda Gobol Ee Koonfur galbeed,Waxayna Ku tilmaameen go’an sharci daro ah. isla markaa Qaar ka Mida wasiirada Iyo xildhibanada Beesha Hawiye Ayaa sheegay Inay go’an  ka qaadanayaan isla markaasina Aysan u Shaqo tagayn Madaxtooyada

Waxay kalo ku andacoodeen Inay dowlada Xasan Shiikh Gobolka Shabeelada gacanta U Galisay dad aan Deganayn oo dhankooda Marna aysan Yeelayn .. Qaar ka Mida Wasirada Ayaa Sheegay inay joojinayaan shaqada Ay ka hayaan dowlada faderalka hadii aana dib Lo eegin go’anka dowlada Ku aqoonsatay Maamulka sadexda Gobol Ee Koonfur galbeed Soomaaliya Oo Ay Ku tilmaaameen Go’an lagu deg degey..

Dhanka kale waxa ka soo Hor Jeestey hadaladani ka soo baxay wax garadka Beesha Hawiye Odayaasha Direed Iyo waliba malaqyada baydhabo iyo Xudur oo ku Sheegay hadalada odayaasha hawiye kuwa aan Laga Fiirsan, balse lagu deg degaayo

Odayaasha Iyo wax Garadka Beelaha hawiye qaarkood ayaa hada Loolan xoogan waxay ugu jiraan Inu gobolka Noqdo mid ka Madax banaan Inuu Hoostago maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Iyo Sidoo Kale Xukunka Maamulka. waxana sidani oo kale kal Hore muran ula galeen maamulka Jubaland Ku Dhawaaqistiisa Magaalada kismayao iyadoona Keentay inay dagaalo dhiig ku daataan ka dhacaan halkaasi,Iyo waliba hadalada Kulu ool warbaahinta laysku mariyey.