Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Garsoorihi Dilka Ku Xukumay Sadam Xuseen Oo La Gawracay

Tuesday - June 24, 2014

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in la dilay garsoorihii dilka dal-dalaadda ah ku xukumay madaxweynihii xilka xoogga lagaga tuuray ee dalka Ciraaq Md.Saddaam Xuseen .. Garsoore Ra’uuf Rashiid Cabdiraxmaan, ayaa lagu riday isla xukunkii uu ku riday madaxweyne Saddaam Xuseen sida lagu sheegay bar-kulannada xiriirka bulshada, iyada oo aanu weli war rasmi ah oo diidaya ama rumaynayaa ka soo bixin xukuumadda dalka Ciraaq ka talisa ee Nuur Al-Maaliki.

Bar-kulannada warkan lagu baahiyey waxaa ka mid ah bogga uu bar-kulanka bulshada ee Facebook ku leeyahay xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalka Urdun oo sidan qoray: Kacdoonka Ciraaqiyiinta ayaa qabtay, waxa aanay ku xukumeen dil, iyaga oo uga aargudaya dhimashada Shahiidkii Saddaam Xuseen .. Xildhibaanku waxa uu intaas ku sii daray, “Ra’uuf markii ay ragga kacdoonku qabteen waxa uu isku dayayey in uu ka baxsado magaalada Baqdaad, waxa u xirnaa dharka ay xirtaan dumarka jaaska xirfad shaqo ka dhigta” Si gabar loo moodo oo aan la garan.

Garsoore Ra’uuf Rashiid ayaa ay xukuumadda Ciraaq u magacowday kiiskii Saddaam Xuseen, kadib markii uu xilkaas iska casilay Garsoore Razkaar Amiin oo isna ka soo jeeday beesha Kurdiga, balse ka biyo diiday farogelin joogto ah oo uu sheegay in maxkamada lagu hayey.

Warkan oo laga soo xigtay Daily Mail ayaa intaas ku daray in Ra’uuf sannadkii 2007da mar ay isaga iyo xaaskiisa fasax ku tegeen magaalada London ay codsadeen in magangelyo uu siiyo dalka Ingiriisku, laakiin codsigaas dowladda UK waa ay ka diiday, waxaana loo malaynayaa in sumcad xumadii ka raacday garsoorenimadiisii dacwaddii Saddaam Xuseen ay ka mid tahay sababaha loogu diiday.