Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Magaalooyinka Somaalia Oo Si Weyn Looga Dareemaayo Diyaar-garowga Bisha Ramadaan

Wednesday - June 25, 2014

Mogadisho- Garowe- Kismaayo: Caasimada Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan maamulada ka jira dalka, waxaa maalmahaan laga dareemayaa diyaar-garow loogu jirro bisha Ramadaan oo maalmo yer ay naga xigaan.

Wararka laga soo warinaayo caasimada Muqdisho, degaamada Puntland iyo Jubaland ayaa lagu soo waramaya in suqyada magaalooyinkaas sida Suuqa calanleey Kismaayo, Suuqa Bakaaraha iyo suuqa kale ee Xamarweyne lagu arkaayo dadweyne fara badan oo u diyaar garoobaya bisha Ramadaan.

Wariyaasha shabakooyinka iyo idaacadha ayaa sheegay in dadka ay la kulmeen ay ahaayeen kuwa iibsanaya raashiinka noocyadiisa kala duwan sidda burka, Saliida, Qaxwaha, Bariiska, Baastada, iyo Timirta oo si weyn loo is ticmaalo bisha Ramadaan.

Wariyaasha ayaa soo tabiyey in dadka wax iibsanaya wajiyadooda laga dareemayay farxad iyo reereyn maadama iyagoo aan ka cabsaneynin dagaallo ay suuqayada u soo dukaameysi tageen.

dhinaca kale waxaa la camiray suuqyada magaalada Muqdisho oo la keenay alaabaha loo baahan yahay bisha Ramadaan, waxaa kalo la xusay in Ammaanka magaalada Muqdisho si aad iyo aad ah loo adkeeyay, waxaana dowladda ay diyaarisay ciidamo gaar ah oo loogu talagalay bisha Ramadaan.