Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Ciraaq: Raiisal Wasaare Nuur Al-Maliki Oo Qaadacay In La Dhiso Dawlad Midnimo Qaran

Thursday - June 26, 2014

Ciraaq- Raysal-wasaaraha Ciraaq Nuuri Al Maliki ayaa ku tilmaamay Afgembi fikirka ah in la dhiso dowlad midnimo Qaran oo ay xukuumadiisa la qeybsadaan Sunnida iyo Kurdida Ciraaq.

Hadalka Al Maliki ayaa lagu soo beegay maalin kadib markii uu Ciraaq ka dhoofay Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka John Kerry oo ugu baaqay siyaasiyiinta Ciraaq in la dhiso dowlad salbalaar ah oo ay ku jiraan Shiicada, Sunnida iyo Kurdida.

Raysal-wasaaraha Ciraaq ayaa Khudbadiisa Todobaad-laha ah oo telefishinka laga siidaayey ku sheegay in xukuumad xaalad deg deg ah oo la dhiso ay ka hor imaaneyso Dastuurka Qaranka Ciraaq, ayna u dhiganto Afgembi dastuurka Ciraaq lagu sameenayo.

Hogaamiyaha Xukuumada Ciraaq ayaa ka dhega adeegaya baaqa uga imaanaya dalalka Reer Galbeedka oo ugu baaqay in uu soo dhiso dowlad mateli karta dhamaan shacabka Ciraaq, xili xoogaga ISIL (ISIS) ay qabsadeen magaalooyin dheeraad ah oo ku yaal waqooyiga Ciraaq iyo waliba Airpor ay adeegsan jireen ciidamada Cirka Ciraaq.