Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Biisha Ramadaan Iyo Caadooyinka U Gaarka Shucuubta Islaamka .. By Abdirashiid Osman

Thursday - June 26, 2014

dhamaan waxaan salaamayaa bulshada somali ..mudanayaal iyo marwooyinba..waxaanan leeyahay ramadaan kariim,,bisha ramadaan oo fuuda inagu soo haysa maalmo koobana inaga xigaan waxaanan inoo wada rajaymayaa inuu dhamaanteen inagu gaarsiiyo caafimaad,ilaahay ajarka iyo kahyrka laylatul qadriga hayna wada siiyo.
Mowduuc yar baa maanta isoo jiitay,,sida aynu ogsoonahay shucuubta ku nool kownkani muslimiin iyo kuwa aan muslimiin ahaynba,,caadooyin ama dhaqano ay ku maamuusaan munaasabado ayey ku dhaqmaan kuwaas oo shacab walba u gaar ah,taas oo uu kaga duwanaado shucuubtaa kale.

Hadaba hadaan ku soo dhawaado,shucuubta ama mujtamacaatka muslimiinta ee aynu ka midka nahay ,sida aynu wada ogsoonahayna qaaradaha adoonka ku kala nool,luqad ahaana kukala duwan,dhaqanka iyo caadooyinkana faraq u dhaxeeyo oo qoloba munaasabad si gaar ah u maamuusto.
waxaan hadaba arkay ama aan wax ka akhriyey (bishan ramadaan ee barakaysan ee sanadkii mar aynu soono,shucuubtaa kala duwan ee muslimiinta qoloba si gaar ah bay u soo dhawaysaa,haday noqoto ficil,cunto ama raashin,astaan u gaar ah bishaa.
1-hadii aan misaal u soo qaato,,wadanka TURKIGA,,bisha ramadaan markay bilato ee hilaalka la arko waxaa haweenku bilaabaan MUSHXRAD..khaastan guryaha ay dadka waawayni jogaan sida awoowga ,ayeeyada…waana mid u gaar ah.
2- wadanka INDUNIISIYA ardayda iskuulada waxaa lafasax wiiga hore ee ramadaan,taas oo loo qabto tartano diiniya ama aqoon is waydaarsiya oo luqadooda lagu yaaho(PESANTRENKILAT),,macnaheeduna waa activities,, ama tartano kala duwan.(anshida).
3- wadanka PAKISTAAN..waxaa u caadaa ilmaha yaree soontu ugu horayso ama sooma ramadaantii ugu horaysay waxaa loo gelbiyaa sida caruuska ,yadoo dhar aad u quruxbadan oo sharaxan loo geliyo laguna soo wareejiyo halka uu deganyahay.
4- wadanka NIGERIYA..qoys walba wuxuu martiqaadaa khaasatan afturta shakhsi miskiina oo la afura…waa mid lagaga dayankaro
5- wadanka MURITAANIYA,,yaguna waxaa u caadaa in ay quraanka guri walba lagu khatimo oo lagu akhriyo.,,waa mid lagaga dayankaro.
6- wadanka SUUDAAN ,,waxaaad u caadaa iyo dhaqan soo jireena inay wakhtiga afturta qoyswaloo karaaba uu afturtiisa debeda u soo saaro,,si ay u afturaan dadka socotada ah..ee haleeliwaayey meel ay ku afturaan….waa mid lagaga dayan karo.
7-wadanka SUURIYA waxaa isagana lagaga dhaqmaa,,wakhtiga suxuurta oo la rido madfaca suxuurta wax loo yaqaano oo dadka lagu wargeliyaa inay tahay wakhtigii suxuurta…taa waxaa u raaca nin isna tuma durbaan wayn habeenkii oo ku wareega xaafadaha kuna wargeliya wakhtigaa,isagoo ku dhawaaqaya suxuur.
.
8- wadanka MASAR,,waxaa la sudhaa laamiyada ama xaafadaha horrtooda fawaaniis oo lasoo laaladiyo.
9-wadanka ISUTAGA IMARAADKA CARABTA,,oo kamid wadanada khaliijka ee aan ku sugan ahay,,isna wuxuu leeyahay ama lagaga dhaqmaa bisha barakaysan ,caadooyin badan,sida madfaca iftaarta,cunto lageeyo masaajidada oo lagu afturiyo dadka is jamaaciya,,cuntooyin gaar ah oo ay sameeyaan,,sida (hariisada,thariidka)..
-hadaba akhristow runtii arimahaasi way isoo jiiteen xiisana way i geliyeen,waxaana muuqta in shacab waliba leeyahay caado iyo dhaqan aan lala wadaagin.
waxaa intaa soo raaca cuntada la karsado ramadaanta oo yana qoloba cunto u gaaritahay.
- waxaan hadaba idinka doonayaa inaa ka faalootaan waxyaalaha hadaynunahay bulshada somaliland ama shacabka somaliland inoo caado iyo dhaqana,sida aa aragteen shucuubtaa kaleba,,,??????? iyo maxaa intaa aan soo xusay lagaga dayankaraa waayo caadu ama dhaqanku hadaanu shay diinteena suuban ka soo horjeedin in lagu dhaqmikaro layskagana dayan karo,,wa aragtidayda.???????
-maxaa se ka xasuusataan intiina aan joogin wadankii markaa caruurta ahaydeen iyo hadaa ku soo barbaarteenba ee caado inoo ahaa.????
- waxaa yaduna xasuus mudan in caadooyinka iyo dhaqamadu sida ay u leeyihiin kuwa wacan ay u jiraan qaar foolxumale ama aan waafaqsanayn diinteena suuban hadana lagu dhaqmo…maxaa hadaynu nahay shacabka somaliland taa ka jira,,waa sida (CUNISTA QAADKA)  waa geed shaydaane..oo aad moodaba dadka qaar inay ku afturaanba…subaxaanalaah ,,alaahuma caafinaa.waxaa kaloo mujtamaceena ku badan in arimo kaloo aan waafaqsanayn diinteena wax daliilana loohaynin in ay ku kacaan qayb ka mida mujtamaceenu sida ziyaarada qubuuraha iyo xoolaha lagu qalo ,waxaa kaloo jira qolyaha fooxa shita ee yaaha waanu dikriyeynaa miyuusigna isticmaalaba.
waxaan kaloo tebeyaa aftur wadareed khaasatan inay dadka ilaahay khayrka badan siiyey inay masaakiinta iyo socotada afturiyaan oo wadooyinka magaalooyinka laga soo galo iyo kuwa laga baxaba dhigaan aftur runtii akhristayaal waa arin aad u muhiima oo shacabka isku wada xidhaysa kaan wax haysan iyo ka haystaba,akhristow arinka muhiimka ee kale waxaa weeye ee aan doonayo inaan ku adkeeyo umadeena inay ogaadaan bishaa jiiraankooda khaasatan ka faqiirka xataa haduu ladanyahay in lays dhaafsado raashinka wuxuu arinkaasi abuurayaa in lays xaal ogaado oo bulshadu isku duubnaato,,waxaan ku soo gabagabaynayaa akhristow zaadkeena iyo sahaydeena aynu buuxsano bishaa socotaa layahay ee ha ilaawin ,,naftaydana waan ka bilaabayaa.
***** bal faalada mowduucan waxaan u daynayaa akhristayaasha… hadaa wabilaahi towfiiq,,,wa ramadaan kariim.
abdirashid osman
[email protected]