Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Ciidamada Qiyaash Maashka Itobiya Oo Loo Xilsaaray Sugida Nabadgalyada Bay, Bakol Iyo Sh. Hoose

Friday - June 27, 2014

Warar rasmi ah oo Dublamaasiyadeed oo la helay ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya oo ka tirsam AMISOM ay la wareegayaan guud ahaan Amaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa hada waxay ku sugan yihiin Gobolka Bay iyo qaybo ka mid ah Bakool, Qorshaan cusubna waxay tilmaameysa iney isku balaariyaan guud ahaan Gobolka Bakool, Shabeelaha Hoose,iyadoo ciidamada Amisom ee hada jooga aagagaas u hawlgalkooda kala wareegayo kuwa Itoobiya, Waxayna la wareegayaan dhamaan amaanka gobolka sh.hoose oo ay hada ku sugan yihiin maleeshiyado iska soo horjeeda, waxaana la sheegay in ciidamada itoobiya Ka dib gaari-doonaan Xadka jubaland iyo K.galbeed.

Qorshahaan cusub ee Ciidamada Itoobiya ay kula wareegayaan amaanka Koonfur-galbeed ayaa ah wada shaqayn gaara oo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ay ku doonayaan Olole ka dhan ah Al- shabaab iyo sidii gacanta loogu siin lahaa Koonfur Galbeed iyo Jubaland iney gacanta ku dhigaan deegaanada hoos yimaada.

Wararka aan heleyno waxay intaa ku darayaan iney Itoobiya oo kaashaneysa AMISOM iyo Qaramada Midoobey ay Maamulka imandoona ee Koonfur Galbeed ka caawinayaan dhinaca amaanka.

Arintaan ayaa timid ka dib markii La xaliyey khilaafkii Siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayna Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatey iney isfahan iyo heshiis dhex dhigto kooxihii isku diidanaa siyaasada Koonfur Galbeed.

Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya oo bilowgii Todobaadkaan soo dhaweysey heshiiska Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in Itoobiya ka go’antahay hirgalinta Heshiiskii Adis ababa ee Maamulka Jubaland, Dowlada Federaalka Soomaaliyana waxay balan qaadey hada hirgalinta Heshiiskii Muqdisho ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxaana laga filayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya hirgalintaa heshiiskaas.

Arintaan ayaa sida muuqata soo afjaraysa qorshaha colaaladeed ee u ku baaqeen  horjoogayaasha Amad Diiriye Iyo Xasan Xaad, waxayna hordhac u tahay dadaalka beesha caalamka ug jirto inay nabad ku soo dabaasho guud ahaan soomaliya