Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Aaway Ku Aaway..Addin Yaa Bilaal..Aduunyada Afrteed Waaxyood Aadaanka Ku Gaarsi Bishaaro Ramadan

Saturday - June 28, 2014

illaahay ayaa mahadleh, illaahay koriyay ee u wanaag falay ee abuuray biyaha iyo ciida, illaaha shay kasta abuuray ee indhihiisa aanay ka qarsoonayn Quraanjada yar ee habeenkii gudaysa ee cilmigiisa ku koobay Samada iyo Arlada.

Suuratul Daah-86 waxay oraneysa “Waxa ku sugan samada iyo arlada inta u dhexaysa illaahay ayay u sugnaatay iyo wixii ciida ka hooseyaba, hadalka hadii aad kor u tidhaahdaan illaahay wuu og yahay sirta iyo wax qarsoonba, illaahay mooye illaah kale ma jiro isagana magacyadiisu wanaagsan yihiin”

illaahay (SW) waxa uu abuuray Nabi Adam (CS) waanu imtixaamay wuuna ka toobad keenay illaahayna wuu hanuuniyay. Waxa uu soo saaray Nabi Nuux (CS) waxanu amarka illaahay ku sameeyay Doon waanay dhaqaaqday. Nabi Ibraahim waxa uu ka badbaadiyay Dabkii kuleelkiisu uu noqday qabow iyo nabadgelyo, ku cimra qaata waxaa dhacay.

Walaalayaal waxa bilaabmatay Bishii Ramadaan, waana bil weyn oo illaahay (SW) uu u labanlaabo cidii wanaag la timaada ajarka, albaabada khayrkana loo furo cid kasta oo jecel, fadliga bisha ramadaan waa khayr iyo barakooyin, waa bil illaahay u hibeeyay adoomada wanaagsan fadligeeda.

Bisha Ramadaan waa raxmad iyo denbi dhaaf iyo naarta oo la iska xoreeyo, tobanka hore waa raxmad tobanka dhexena waa denbi dhaaf tobanka denbena waa muuminiinta oo naarta laga xoreeyo, fadligeeduna waa mid aan inaga qarsoonayn oo leh raadad waaweyn sida ku sugan xadiisyada.

Walaalayaal shantan arimood ee illaahay (SW) ina siiyay ee bisha ramadaan khaaska inooga dhigay ee umadii kale ee inaga horeeyay la siin, illaahayna uu inagu galaday si uu inoogu dhamaystiro nimcadiisa, imisa ayuu illaahay nimco iyo fadli ina siiyay? “Waxaad tihiin umadii ugu khayrka badnayd ee dadka loo soo saaro waanaaga ayaad is faraysaan xumaantana waad iska hor joogsanaysaan illaahayna waad rumaynaysaan, ehlu kitaabku hadii ay illaahay rumeeyan khayr ayay u ahaan lahayd barkood waa muuminiin badankoodna waa faasuqiin” [Suratul Cimraan-110].
Koowad
Qofka sooman Luunka ka muuqda qofka sooman afkiisa urta miskiga way ka wanaagsan tahay illaahay agtiisa waxana is badalaysa urta marka cuntadu ka dhamaato caloosh, dhinaca dadku waa mid karaahiyo leh laakiin illaahay agtiisa waxay ka wanaagsan tahay miskiga waxana keentay u hogaansanan iyo cibaada illaahay, dhamaan shay kasta oo cibaadada illaahay iyo adeecidiisa ah illaahay wuu jecel yahay, waxana uu u gargaara qofka la yimaada wax ka khayr iyo fadli badan, miyaydaan arag Shahiidka u dagaalama illaahay dartii ee doonaya in ay kalmada illaahay sarayso waxa uu yimaada Qiyaamaha halka uu ka dhaawacmay kiiyo dhiigu ka da’ayo oo ay leedahay urta miskiga oo kale, Xajkana dadka taagan illaahay (SW) waxa uu ku yidhaahdaa Malaa’igta “Eega kuwaasi waa adoomadaydi oo icaabudaya iyagoo daal iyo boodh ka muuqdo” waxay u soo galeen dhibaatadan jacayl ay illaahay u qabaan waxana ay furfurcooni gelinaysaa illaahay adeecidiisa waxanay ka dheeranayaan waxyaabaha loo diiday.
Labaad
Malaa’igta oo denbi dhaaf u waydiisa Saa’imiinta ilaa inta ay afurayaan, Malaa’igtu waa adoomo illaahay agtiisa karaamo ku leh “Ma caasiyaan waxa illaahay ku amray waanay fuliyaan waxa lagu amro”[Suratul-Taxriib-6], illaahayna wuu ka aqbalyaa wixii ay waydiistaan iyaguna waxay illaahay denbi dhaaf u weydiiyaan adoomada sooman, denbi dhaafkaas oo ah in dunuubto muumiinta illaahay asturo aduunyo iyo aakhiroba, waana u jeedada uu ugu jecel yahay adoonkasta oo khaldamaa in la asturo ceebtiisa.

Shayaadiinta oo lagu xir-xiro silsilado si aanay ula soo gaadhin adoomada wanaagsan halaynta ay xaqa ka luminayaan si ay khayrka ugu sugnaadaan, taasina waa gargaar illaahay markii uu ka xidhi-xidhay cadhowgoodi doonayay in ay noqdaan xusbigiisa ay cadaabta ula galaan, sidaas ayayna dadka wanaagsani ku jeclanayaan khayrka bisha ramadaan iyo inbadan oo kaleba.

Walaalayaal: Qofka gaadha Bisha Ramadaan nimco weyn ayuu la kulmay waana qofka xaqeeda guta ee ka taga xumaanta badiyana xuska illaahay lana yimaada toobad, hadaba qofkii denbi iyo xumaan samaynayo illaahay u tooban keen oo badi akhriska quraanka kordhina dadaalkaaga iyo tasbiixda akhriskeeda.
Imisaad garanaysaa oo soomay sannadadii hore? Ama aan soo gaadhin ramadaanta oo uu moodku ka soo gaadhay, illaahayow naga baraaruji mugdiyada qaflada oo na waafaji cabsidaada intaanan qabriga gelin, illaahayow nagu arsaaq ka faa’iidaysiga wakhtiga marka muhmalka, illaahayow denbigayaga dhaaf iyo kii waalidiintayagaba iyo dhamaan umada muslimka ah, illaahayow raxmadaada ayaan ku weydiisanaynaa cid naxariisata adiga ayaa ugu naxariis badan, N.N.K.H Nabigeeni Maxamed isaga iyo ehelkiisi iyo asxaabtiisi iyo dhamaan cidii wanaaga ku raacda ilaa maalinta qiyaamaha.