Al-Shabaab Warkoodi Ahaa Ramadanka Mogdisho Guryo Badan Waa Laga Barooran-doona Oo Ka Dhabeeyey
Sunday - June 29, 2014
Mogdisho- Maleeshiyada Al-shabaab ayaa caawa weerar qorsheysan ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir ee dhawaanta loo raray dhinaca degmada Heliwaa.
Sida la sheegay maleeshiyadaas Al-shabaab ee weerartay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa ka soo galay laba dhinac oo kala ah dhinaca Waxar cade iyo dhabarka dambe ee Hotel Ramadan.
Ciidamada ilaalada waardiyaha ka ahaa xarunta iyo maleeshiyada Al-shabaab ayaa waxa halkaasi ku dhex maray dagaal xoogan oo mudo socday, kaas oo lagu soo waramayo in ay maleeshiyada Al-shaab ku dileen in badan oo ka mid ah ilaalada xarunta, qoryahana ka qaateen, hasa ahaate waxa la sheegay in markii dambe dib loo riixay dagaalyahanadii Al-shaab, iyadoo goobti ay isla markiiba yimaadeen ciidama gurmad ah oo ka yimi dhinaca dawlada.
Weerarkaan caawa ee xarunta gobolka Banaadir ayaa imaanaya iyadoo madaxweynaha iyo masuullinta sar sare ee dawlada ay sheegeen in ay diyaariyeen ciidamo la magac baxay nabad ku afur laakiin lays weeydiyey aaway ciidankaa, waxaa kalo shalay koox hubeysani ay dilal kala duwani xili dharaar ah u geeysteen ciidamo ka tirsan dawlada oo shaqo ka hayey wadooyinka mogdisho .. shacabka mogdisho oo u cadaatay in al-shabaab ay fulinayaan ballan-qaadkoodi ahaa in mogdisho guryo badan laga barooran-doono ayey dadku isku qanciyeen in aysan jirin dawlad la isku haleeyo,balse ay isku meerin-doonaan bisinka iyo burdaha si ay uga nabadgalaan balaayada meelaha meer-meereysa
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mungaab ayaa xarunta maamulka gobolka Banaadir u raray Degmada Heliwaa, sababtuna ay ahayd in laga hortago in degmadaas ay gacanta u gasho Al-shabaab kadib markii qeybo badan oo ka mid ah ay noqdeen kuwo ay Al-shabaab ka taliyaan, laakiin tan iyo markii xaruntaas la furay ayaa waxaa dhowr jeer weeraray Al-shabaab.