Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Xaflad Lagu Weyneeyey 1-da Luulyo Oo Dalka Ka Dhacday

Tuesday - July 1, 2014

Muqdisho - Waxaa habeenkii xaley qeybo ka mid ah gobalada dalka si weyn looga xusay 1-da Luuliyo oo ah markii ay xorroobeen gobalada koonfureed ee dalka isla markaana ay midoobeen Waqooyo iyo Koonfur sannadkii 1960-kii, waxaana ka soo wareegtay 54 sano  markii ay somaliya ay ka xarooday guumeysihi ingiriiska iyo Talyaaniga

Meelaha sidda weyn looga xusay waxaa ka mid ah, magaalada Muqdisho oo xaflad weyn ayaa lagu qabtay dugsiga tababbarka booliska ee Jeneraal Kaahiye, waxaana ka qeybgalay madaxda dowladda sidda Madaxweynaha, Ra’ysal wasaaraha, guddoomiyaha golaha baarlamaanka, wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa xaflado noocaas oo kale ay ka kala dhaceyn magaalooyinka Baladweyne, Baaydhabo, Dhuusamarreeb, Garoowe, Gaalkacyo iyo Kismaayo.

Ammaanka goobaha lagu xafladeeyey ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana meel walba ka muuqanayey ciidamo ilaalo ah oo sugaayey nabadgalyada goobahaas lagu xafladeynaayey