War Naxdin Badan : Gabar Aabbaheed Ceel Ku Riday Kuna Jirtay 41 Cisho, Laakiin Alle SWT Badbaadiyey
Tuesday - July 1, 2014
Waxaa soo Akhriyey Fiqi Yaxye Khalaf- Qiso naxdin iyo xanuun badan oo ku dhacday gabar Sudan ah,waxaa sheekadaan qoray Wargeysyada ka soo baxa dalka Sudan gaar ahaan Caasimadda Khartoum Gabadhu waxay ahayd Ari jir
Sida ay inta badan ahaayeen gabdhaha caynkeeda ah ee tulladeeda ku nool, Hadaba gabdha dhibkeedu waxuu ka billowday kadib markey fakisay amase lumisay afar neef oo Ari ah, Arrintaan oo aad uga careysiisay aabaheed oo ahaa mid ma manaxe ah,
Kadib markuu gabadha u yimid waqti habeen ah uuna u soo bandhigay inuu hooyadeed oo dhimatay ka daba geeyo iyo in uu ceel ku rido midka u fudud iney doorato, kadib gabadhi waxay dooratay in ceelka uu kurido,
Manaxihii dhalay ayaa gabadha gacanta qabtay ulana dhaqaaqay dhankaa iyo tuulada banaan-keeda meelo uu ku ogaa ceelal wadal ahaa, ama ceelal duqoobay oo biyihii ka qallaleen,
Aabahii oo aan marna ka damqan gabadhiisa catowgeedii iyo cabaadkii af-keeda ka dhacayay,Dhab ahaana ceelkii-buu ku tuuray Kaasoo qiyaas ahaan dhannaa 20baac,
Nasiib wanaag gabadhu ma dhiman halkaas ayayna ku jirtay mudo 41maalmood ah,
Ceelka uu gabadha ku riday waxaa ka buuxay fiidmeer, abeesooyin' iyo masas,Waxaa kaloo ka buuxay hangaralle ama daba qallooc,
Hadaba waxay sidaa ku jirtay maalinkii 41aad ayaa waxaa soo maray wiil Ari la joogay oo tulladeeda ahaa kaasoo maqlay dhawaaqa gabadha, isagoo aad uga cabsaday laakiinse weydiiyay inay Jin tahay iyo inay ruux caadiya tahay, laakiin gabadhii ku tiri waxaan ahay ina hebel hebel, wuu gartay wiilkii wuxuuna u birmaday tuuladii oo Ragii u qayla dhaamiyay,
isla markiiba nin baa xarig loo xiray oo uu dhaadhacay ceelkii, waxuu ku arkey masas aad u waaweyn oo si toosa u eegayay laakiin ilaahay waa ka nabad galiyay, haduu gabadhii soo xiray oo banaan ka usoo saaray, ayadoo bad qabta oo hadlaysa, gabadhu waa qaawanayd oo intay ceelka ku jirtay ayuu aboor ka cunay dhar- kii oo dhan, gabadha madaxeeda xataa waxaa ku marraa laba daba qallooc oo waaweyn,
Ugu Dambeyn Gabadhi waxay sheegtay mudada ay ceelka ku jirtay inuu u iman jirey nin Marya cad oo caano faresh ah u keeni jirey, lamana uu hadli jirin. Kaliya wuxuu la hadlay maalinkaa maalintii ka horreysay oo u sheegey in maanta ugu danbeyso oo meesha laga saari doono,.
By Fiqi yaxye Kkalaf