Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Kooxda Weerartay Xildhibaan Xayd Oo Mudo Ku Cersaneysay Dariiqyada Degmada Xamar-weyne

Thursday - July 3, 2014

Mogadisho- warar faahfaahin ah ayaa ka soo baxaya qaabka maant loo dilay xildhibaan Maxamuud  Maxamed Xeyd, waxaana soo baxaya in Kooxaha weearka ku qaaday Xildhibaanka ay mudo markii hore ku ceyrsanayeen dariiqyada gudaha degmada Xamar weyne ka hor inta aysan dilin.

Xildhibaanka oo ay la socdeen mid ak mid ah howl-wadeenada baarlamaanka, xildhibaan Cabdullahi Axmed Coonka iyo qof ilaalinayey ayaa la sheegay in ay soo daba dhigteen maleeshiyada hubeysan oo watay gaari kale, kuna hubeysnaa bistoolado iyo qoryaha fud fudud.

Xildhibaanka ayaa isku dayey in uu ka cararo maleeshiyadan, laakiin markuu carar ku soo gaaray agagaarka suuqa dahablaha xamarweyne ayey gaari ku horgooyeen, kadibna ay tacshiirad huwiyeen.

Xildhibaanka iyo waardiyihiisa ayaa halkaas ku geeriyooday iyadoo uu dhawac soo gaaray xildhibaan Coonka iyo shakhsi kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Baarlamaanka oo uu dhalay mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka.

Horay ayey Maleeshiyada Al-shabaab maalin cad gudaha u galeen xarunta Baarlamaanka iyo xarunta Villa somaliya oo intaba looga arimo soomaliya.