Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

La Jiifiyaa-ne Banaan .. Wasiirki Hore Amniga Ku Fashalay A/karin Guuleed Oo Loo Magacaabay...

Friday - July 4, 2014

Mogdisho- Madaxweynaha dawladda Somaliya Xasan Sheekh ayaa digreeto uu soo saaray wasiirkii hore ee amniga Somalia Cabdikariin Xuseen Guleed una magacaabay la taliyaha arimaha siyaasadda ee Madaxweynaha, waxaana waa sida la filaayee looga fadhiya Mr.Cabdikarin inu wax ka xaliyo amase talo ka bixiyo siyaasada dawlada ee dagal hoose iyo majaxaabin la is kala dhamaan la' yahay, gaar ahaan inu wanaag ku soo dabaaliyo muranka iyo doodaha talan-taaliga ay la soo jiifaan Somaliland,Puntland,Jubaland, konfur galbeed iyo xasilinta qalalaasaha ka taagan Shabeelada hoose, isla markaa inu ka hortago dhagarta quwadaha aduunka siba inta quursiga badan ee xagal-daacisa siyaasada Xasan Shiikh ee aan kala saarin siyaasada xaqa iyo baadilka.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somalia ayaa xilkan loogu magacaabay C/kariin Guuleed, iyadoo lagu sheegay qoraalka xilkan loogu magacaabay Guuleed in howshiisu ay billaabatay 29-kii bishii hore.

Magacaabiddan ayaa imaanaysa xilli aanu weli ra’iisul wasaaraha Soomaaliya magacaabin jagadii uu wasiirkii hore ee Amniga iska casilay, taasoo uu si kumel gaar ahaan ah u hayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.