Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Nabadi Mogdisho Dhooftay .. Col Gurguuranaya Oo Galay Madaxtooyada, Dhiiguna Waa Qulqulaya

Tuesday - July 8, 2014

Mogadisho- Dagaal-yahanno loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa Caawa xilliga Afurka Weerar Culus ku qaaday Madaxtooyadda Soomaaliya ee (Villa Somalia),ilaa saddex qarax iyo rasaas xooggan ayaa laga dhex-maqlay madaxtooyada.

Weerarkan ayaa umuqda inuu yahay kii ugu xooggana ee ka dhaca madaxtooyada,waana weerarkii labad ee shabaab gudaha ay ugalaan xaruntii qasrigii madaxweynaha dalka.

Bar koontarool oo laga galo aqalka madaxtooyada oo ku taalla albaabka dambe ee xarunta madaxtooyada ee xiga dhinaca bari ayaa qaraxii ugu horeyey laga maqlay waxaana wax yar kaddib is qabsaday dhawaqa rasaasta iyo hubka cul culus.

Inkastoo aysan jirin warar rasmi ah oo laga heli karo weerarka ayaa haddana wararka laga helayo waxay sheegayaan in kooxahan ay u suuro-gashay inay gudaha u galaan, halkaasoo ay kula dagaalameen ciidamada ilaalada madaxtooyada.

Dhawaqa rasaasta oo si xooggan u dhacaysay xilligan looma maqlayo sidii hore,balse ma cadda khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay weerarkan.

Barxad ku hortaalla xafiiska ra’iisal wasaaraha oo la sheegay inuu shir ka socday ayaa weerarka ugu xooggani ka dhacay iyo rasaasta,inkasto an wali la xaqiijin inay gaaren kooxda weerarka soo qaaday xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya,Ridwaan Xaaji ayaa isna dhankiisa goor dhaweyd saxaafadda u sheegay inuu socdo howlgalkii dagaal-yahannada madaxtooyada soo weerartay lugula dagaallamay,balse ma usan cadeyn wax khasaaro ah oo maaxda dowladda ka soo gaaray weerarkan oo xooggana.

Warar an la xaqiijin karin ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh uu ka maqna madaxtooyada xilligii uu weerarkan dhacayey,waxaana la sheegay inuu ku suganyahay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaaso oo u shirar kulaha,balse ma jirto cid warkaas xaqiijisay.

Bogga internedka ee kooxda Al-shabaab waxaa dhankiisa lugu soo daabacay inuu xooggeystay weerarka ay qaaden koox ay ku sheegen inay Al-shabaab ka tirsan-yihiin, isla mar ahaan-taana ay shabaabku qabsadeen ama ay ku faafeen guryo ku yaalo aqalka madaxtooyada sida ay sheegteen walow aan xaqiiq rasmi ah loo heynin.

Waxaa uu ku soo aadaya weerarka madaxtooyada lugu qaaday xilli muddooyinkii danbe uu sii xumaanayey amniga Muqdisho,waxaana Al-shabaab ay horay u sheegen in inta lugu guda jiro bisha Ramadaan ay qaadi doonan weerarro kala gadisan.

NB: weli dagaalka ma dhamaanin iyo qaraxyadu waxaana dib idin kaga soo gudbin doonaanaa halka ay arinta kusoo biya shubato waxaana dagaalka madaxtooyada dhegta taleefonkiisa ku heysta caawa oo inoo soo gudbinaya akhbaaraadka ugu dambeeya adeegayaasha galdogob Times oo diirada ku haaya Dagaalkaan Caawa si gaar ah.