Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Qaraxi Madaxtooyada Kadib Oo La Magacaabay Wasiirkii Amniga Iyo Taliyaal Cusub Loo Kala Dhiibay.....

Wednesday - July 9, 2014

Mogadisho- Wareegto ka soo baxday saakay xafiiska ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa loogu magacaabay xilka wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg oo horay looga qaaday xilka taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir, kaddib markii uu xilkan iska casilay 24-kii bishii May ee sannadkan, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ra’iisul ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale xilalkii ka qaaday taliyihii booliiska Soomaaliya, Jen. Cabdixakiin Daahir Saacid, isagoo xilkaas u magacaabay, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil , sidoo kale waxaa xilka laga qaaday agaasimihii hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac, waxaana lagu magacaabay xilkan Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay u ahaa safiirka somaalida u jooga cariga ingiriiska

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo warbaahinta u akhriyay wareegtada lagu magacaabay wasiirka Amniga Qarnka iyo taliyeyaasha la bedelay ayaa sheegay in tallaabadan ay timid kaddib markii ra’iisul wasaaruhu uu arkay xaaladda uu dalku marayo.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed uu amaray in taliyeyaasha ciidamada nabad-sugidda iyo booliiska gobolka Banaadir ay si toos ah u hoos-tagayaan guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu si gaar ah ugu mahad-celinayo taliyeyaashii xilalka laga qaaday oo howl adag soo qabtay intii ay xilalkan hayeen.