Cabdiweli Shiikhow Iminka Digtoonw.. Dhambaalkaasu Waa Baaq
Thursday - July 10, 2014
Mogdisho- xaajo la yaab leh iyo warar xam-xamta ay isla dhex marayaan bulshada Mogdisho ayey ku tilmaamayaan in dagaal-yahanadi soo weeray xarunta madaxtooyada u qasdigoodu kaliya ahaa in ay washiraan raqda R/w Cabdiweli Shiikh oo markaas ku sugnaa xarunta madaxtooyada, hasa ahaate inkasto ay garaaceen albaabka xafiiska gudaha ee Raiisal wasaaraha uma suragalin in qorshahoodu u fulo ma daama ay ahaayeen caamo la iska soo diray aan tabar lahayn, iyadoo ilaalada raisal wasaaraha aysan wax dhiba kala kulmin caabintooda .. halkaas kii soo diray iyo inti shirqolkaan la soo karkarisay halkii ku rajo beeleen.
Waxaa Dadku tilmaamayaan in maalinimadi subaxdi ka hor intaan falku dhicin shaqaalo badan oo madaxtooyada ay subaxdi horaba isaga baxeen madaxtooyada iyagoo dareensanaa in madaxtooyada lala beegsan-doono qarax iyo weeraro madaxna lagu dili-doono, laakiin waqtiga amase saacada falka uma carifneyn .. xitaa magaalada todobaad ka hor waxaa ka socday warar midab beenaadka biyaha u eg iyo hunu-hunu aan la garaneyn meel ay ka timi oo la leeyahay Cabdiweli shiikh waa la khaarajinaya .. Dhinac kale niman maafiya il-xyignimo lagu yaqaan, isla markaana si aada ugu fogaaday colaada Cabdiweli shiikh ayaa todobaadkaan oo dhan meelaha fagaaraha intey soo galaan ay dhagaha dadka ku shubayeen Virus ay ku celcelinayaan oo ay leeyihiin; War Meydka Qoslaaya faataxada ha loo maro.
Dhinaca kale waxaa la sheegay in madaxweyne Xasan Shiikh waqtigaas falku dhacayey inu jiray xaga iyo airaboorka oo sida la sheegay halkaas afur loogu sameynaayey, waxaana la tabiyey in ilaaladi madaxtooyada sida ay u dhameed ay isaga raaceen.oo baraha iyo irdha madaxtooyada ay ilaalinayeen Askarta AMISOM
Sikastaba, amaanka Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya tan iyo markii ay dhalatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyadoona xusid mudan in Al Shabaab ay kordhiyeen Weeraradooda ka dhanka ah Saraakiisha, Xildhibaanada MasÂ’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo Xarumaha Dowlada Soomaaliya.