Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

R/W C/weli Oo Maalmihii Dhanaanaa Darteed Helay Xoriyad U Ku Biyo-Batalaq-sado Awood Maamul Qaarked

Friday - July 11, 2014

Mogdisho- ilo wareed ku sugan Madxatooyada Somalia, ayaa laga xigtay in Madaxweynaha Somalia Xassan sheikh uu Ra’isul-wasaaraha Dalka maalmahaan u madax-banaaneeyay qodob dhowr ah oo sida la sheegay marar badan laga hor istaagnaa.

isha warkaan ayaa xaqiijiyey in Weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Madaxtooyada uu sababay habac-sanaanta Siyaasadeed oo ka timid dhinaca Madxaweynaha,taaso keentay inu markaan ka tanaasulo Qodobo badan oo uu Ra’isulwasaaraha ku doonaayay xalinta maamulka Dawlada, waxaana ka mida qodobada loo Ogolaaday Ra’isulwsaaraha:-

1- Sida la xusay Madaxweynaha waxa uu Ra’isul wasaaraha Xoriyad buuxda u siiyay inuu faragaliyo wax waliba uu u garto inay ka dhalan-karaan Ammaan-dari dhan waliba sameyn karta.

2- In Ra’isulwasaaraha uu xilka ka qaadi karo Mas’uul waliba oo uu u arko inuu gudan waayo Howlaha loo igmaday, halkii xiligii hore laga hor istaagi jiray.

3- In Ra’isul-wasaaraha uu xor u yahay inuu isha ku haayo Howlaha ka socda Madaxtooyada islamarkaana aan la hor istaagi Karin Amar waliba oo Afkiisa ka soo baxa, halka weerarkii Madaxtooyada ka hor aan Awoodaasi la siin jirin RW.Cabdweli

4- In Ruux waliba oo xil ka qabanaayo Dowladda u isagu ogolaansho ka bixiyo, halka xiliyadii hore lagu cadaadin jiray inuu saxiixo Su’aal la’aan warqadaha.
Madaxweynaha Xassan Sheekh, ayaa isagu inta badan fulinaayay Howlaha loogu talo galay inuu qabto Ra’isulwasaaraha, waxa uuna sidoo kale is hortaagayay go’aan waliba oo aan isaga u cuntamin.

Dhanka kale, Weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Madaxtooyada, ayaa waxa uu Ra’isulwasaaraha ku dooday in Ammaanka dalka uusan hagaageynin haddii uusan Madaxweynaha wax ka badelin aragtidiisa siyaaso, waxa kalo Cabdiweli ku andacooday in Talaabo waliba oo uu qaadi lahaa laga hor istaago.