Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 26 January 2025

Cabdifataax W. Isxaaq

Sunday - July 13, 2014

Degmada Galdogob oo Khiyaamo Lala Helay.

W/Q: Cabdilfataax W. Isxaaq A. Xassan Xusseen

email:  aisaac3@ Gmail.com

Xowliga Horumarka Degmada Galdogob oo Africa la yaabtay, iyo Mu'aamarad Lala Helay:  Afrika oo Dhan Keligeed baa qaadka mamnuucday.  Tab la Helay !!



Fikrad ahaan, go'aankan waa lagu deg degey baan u arkaa.  Waa wax wanaagsan joojinta qaadku.  Laakiin Haddaan Somaliya laga wada mamnuucin in Galdogob laga mamnuucaa waxay waxyeello u geysanaysaa Galdogob waxaana faaiidada arrintaan  miraheeda guranaya magaalooyinka iyo tuulooyinka deriska la ah.  Sababtoo ah:  1) waddanku Dowlad xoog leh kama dhisna.  2: Galdogob  puntland bay ka tirsan tahay puntland baan adowlad ka ah ee shicipku hadday shaqadii dawladda faraha la galaan waa fawdo.  Puntland haddii laga mamnuucan , puntland uun baa khasaaraysa..  Haddii Somaliya laga joojiyo oo Kenya iyo Ethiopia lagasoo dhoofinayan Soomaaliya uun baa khasaaraysa waayo xuduuuda oo aad u  dheer iyo dawladda oo tabar daran.  Waa wada xasuusannaa iyodoo Dawladaha bariga Afrika tii ugu xoooga badnayd aan haysanneyna xilliiigii Maxamed Siyaad barre in aan khasaare kala kulanay joojinta qaadka:3)  habkii wada Tashiga iyo cod-isku-raacista meel baa looga dhacay.  4) dadka qaadka cunaa magaalooyinka kale bay danahooda la aaadayaan, taasina waxay dhalinaysaa in laga rugdoorsado galdogob oo aan lagu qasbanayn in la soo aaado ama la dhex maro.  5)  Haddii safarrada iyo isu socodku  ku yaraaado magaalada, dhaqaalaha magaaladu hoos buu u dhacayaa.  6) Iska hor imaad ehelada magaalada wada degta ka  dhexdhaca oo joojintu u sabab tahay baa la abuuray.  7)  Waan la wada soconnaa, markii maamulkii maxamed Siyaad isku deyey waa la wada khasaaray waayo Dowladaha Deriska uun baa ka faaiidey oo qiimihii kor noogu qaaday, dadkuna sidii bay u cunayeen oo qiimihii hore 10 jibaaar ku gadnayeen.  Haddaan Dawladaha deriska inala ah ee qaadku ka baxo joojin qaadka soo gelintiisu waxay abuuraysaa uun kootarabaan iyo cayrsasho kootarabaan sicir barar iyo iyadoo meesha laga mamnuucay dhiigbax dhaqaale ku dhaco.    Lama soo koobi karoo khasaaraha Galdogob ay kal kulmi doonto waayo iska dhaaf dawladaha deriska inala ahe tuulada nagu xigata baa lagasoo tahriibinayaa.  Hawlgalkan  joojinta qaad  oo Galdogob ku gaarka ah waa arrin cadawga Galdogob ka shaqeeyeen waana mu'aamarad dhaqaale iyo mid nabadeed oo ay ka dambeeyaan dad doonaya inay galdogob horumarkeeda Jillaafo u dhigaaan  Waxay ila tahay Al- Shabaab in laga soo maleegey mu'aamaraddaan lagu doonayo in dadka reer Galdogob, oo aad looga jecelyahay Soomaliyaa guud ahaan,  lagu doonayo in lagu beddelo, oo aakhirka reer galdogob xumaanta Somaaliya  inteeda kale ka jirta  oo dhan intay bartaan inay xumaan oo dhan tusaale u noqdaan, oo ay noqdaan dad  lagu sifeeyo fudeyd iyo inay yihiin dawaco sumaysan.  Fikrad dhiibasho 10 daqiiiqo ah laguma soo koobi karo arrintaan, laakiin  Insha Allah mustaqbalka dhaw qoraal intaan ka tayo iyo tiro roon baan ka diyaarinayaa  haddii Alla yiraahdo. WCS